Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian oo booqasho ku jooga Magaalada Doha ayaa la kulmay Saraakiisha Ururka Xamaas ee Falastiin ee degan dalkaasi Qatar.
Madaxweynaha Iran oo Arbacadii ka degay Magaalada Doha ayaa halkaasi ka wada kulamo uu Madaxda Carabta ku boorinayo in ay taageeraan Falastiiniyiinta, isla-markaana ay si isku mid ah uga horyimaadaan gardarrada Israel ee ka dhanka ah Gaza iyo Lubnaan.
Madaxweynaha oo sidoo kale magaaladaasi kaga qaybgalay Shirka Wadatashiga Iskaashiga Aasiya (ACD) ayaa Madaxda Carabta kula dardaarmay inaanay garabkooda ka bixin walaalahooda Carbeed ee Falastiin iyo Lubnaan.
Madaxweynaha ayaa Doha kula kulmay Saraakiisha Xamaas oo uu horkacayay Khalil Al Hayya, kaas oo muddooyinkan Xamaas ku metelayay wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Israel. Al Hayya ayaa lagu tilmaamaa Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas.
Madaxweyne Pezeshkian ayaa Saraakiisha Xamaas u sheegay in Dowladda Iran ay mar walba garab taagan tahay, ayna sii wadi doonto taageerada ay siiso. Iran waa dowladda keliya ee la ogyahay ee taageerada tooska ah siiso Xamaas.
Kulankan ayaa yimid, ka dib weerarkii weynaa ee ay Iran habeenkii Talaadada ku qaadday Israel, iyadoona sheegtay inay ugu aargudeysay Hoggaamiyeyaashii Xamaas, Ismail Haniyeh, Xisbullah Hassan Nasrallah iyo Saraakiishii kale ee Iraaniyiinta ahaa ay Israel ku dishay gobolka.
Muhiimadda weerarka ayaana ahaa in loo aargudo Ismail Haniyeh, kaas oo Israel ay 31-kii bishii July ku dishay Magaalada Tehran, xilli uu ka mid ahaa marti sharaftii lagu soo martiqaaday xafladdii caleemo-saarka ee Madaxweynaha cusub ee Iran.
Iran ayaa muddo laba bilood ah ka caga-jiideysay in ay ka aargudato Israel iyo inaysan uga sii darin xaaladda cakiran ee ka jirta Gobolka Bariga Dhexe.
Iran ayaa la sheegaa in ay naawileysa xabad joojin degdeg ah oo laga sameeyo Marinka Gaza, balse ay Israel u muuqatay mid aan taasi diyaar u ahayn.
Tehran ayaa weerarkeedan qaadday saacado uun ka dib hawlgal dhinaca dhulka oo Israel ay sheegtay in ciidamadeeda ay ka bilaabeen deegaanada xadka koonfureed ee dalka Lubnaan.
Weerarkan ayaa qalqal weyn oo amni ka abuuray guud ahaanba Israel, waxayna Tel Aviv ku hanjabtay in ay ka aargudan doonto Tehran.