Warbaahinta Dowladda Iran ayaa shaaca ka qaaday in saaka goobta burburka laga helay meydadka Madaxweynihii Iran, Ebrahim Raisi, Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Hossein Amir-Abdollahian iyo xubnihii kale ee la socday diyaaraddii ay saarnaayeen ee gelinkii dambe ee Axaddii ku burburtay meel u dhow xuduudda Iran iyo Azerbaijan.
Kooxaha gurmadka ayaa saacado badan baadigoobayay goobta ay ku dhacday diyaarad Helicopter ahayd oo madaxdu ay la socdeen, markii ay shilka galeysay.
Diyaaraddan ayaa ku dhacday dhul ay cimilo aad u xun ka jirtay oo ku yaala waqooyi galbeed dalkaasi, sida ay sheegtay Warbaahinta Qaranka.
Raisi oo 63 jir ahaa ayaa xilligii uu shilka qabsanayay ku sii jeeday Caasimadda Tehran, markaas oo uu ka soo laabanayay daahfurka biyo xireen laga hirgeliyay gobolka bari ee Azerbaijan ee ku yaala xadka dalkaasi uu la wadaago dalka Azerbaijan.
Geerida Madaxweynaha ayaa ku soo aadaysa, iyadoo ay xiisad adag ka jirto Bariga Dhexe, kana dhalatay duulaanka Israel ee Marinka Gaza.
Iran ayaa bishii April weerar aan horey noociisa loo arag oo isugu jira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo ku qaadday Israel, taasoo sii hurisay xaaladda gobolka.
Iran ayaa xilligaasi ka aargudaneysay weerar la sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay 1-dii bishaasi ka gaysteen Xarunta Qunsuliyadda ay ku leedahay Magaalada Dimiqshiq ee dalkaasi Suuriya.
Iran ayay xurguf kala dhaxeysaa Mareykanka iyo Israel oo siyaasad ahaan ay si weyn isu hayaan.
Wararka ayaa sheegaya in Tehran ay waddo baaritaano ay ku ogaaneyso waxa sababay shilkaasi, iyadoo Ruushkuna uu ka caawinayo.
Illaa iyo hadda ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya in cid kale ay ka dambeysay shilka uu ku geeriyooday Madaxweyne Raisi.
Iran ayaan illaa iyo hadda cadowgeeda dibadda ku eedeyn, haddii ay shilkaasi ka masuul yihiin iyo haddii kaleba.
Iran waa quwad ka jirta Bariga Dhexe, waxayna Israel u aragtaa cadowgeeda ugu weyn ee gobolka.