Home Dhacdooyin Madaxweynaha Masar oo booqashadii ugu horreysay ku tegay Turkiga (SAWIRRO)

Madaxweynaha Masar oo booqashadii ugu horreysay ku tegay Turkiga (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi ayaa maanta booqashadiisii ugu horreysay ku tegay dalka Turkiga, tan iyo intii uu noqday Madaxweynaha Masar.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa dhiggiisa Masar ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Esenboga ee Magaalada Ankara.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Hakan Fidan, Gudoomiyaha Gobolka, Vasip Sahin iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha Turkiga ku wehlinayay munaasabadda soo dhaweynta.

Hoggaamiyeyaasha labada dal ayaa wada hadalo uu heerkoodu sarreyo ku leh Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Ankara.

Booqashadan ayaa imanaysa, ka dib markii Madaxweyne Erdogan uu bartamihii bishii February booqday Masar, taas oo noqonayso booqashadiisii koowaad ee uu ku tago dalkaasi, tan iyo 2012.

Madaxweyne Erdogan ayaa xilligaasi qaaday tallaabo weyn oo lagu hagaajinayo xiriirka labada dal. Xiriirkooda ayaa xumaaday sanadkii 2013, markaas oo Sisi oo ahaa Wasiirka Gaashaandhigga uu afgembiyay Madaxweynihii, sida dimoqraadiyadda ah lagu soo doortay ee dalkaasi Mohamed Morsi. Allaha u naxariistee Morsi ayay saaxiib dhow ahaayeen Erdogan.

Madaxweyne Sisi ayaa war uu soo saaray ku sheegay in socdaalkiisan uu ka tarjumayo rabitaanka guud, ee ah in la bilaabo bog cusub oo saaxiibtinimo iyo iskaashi.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u guddoomin doona shirka furitaanka ee Golaha Iskaashiga Istiraatiijiyadeed ee Heerka Sare, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga.

“Dhammaan dhinacyada xiriirka Turkiga iyo Masar ayaa dib loo eegi doonnaa. Tallaabooyinka wadajirka ah ee la qaadi karo muddada soo socda, si loo sii wanaajiyo iskaashiga laba geesoodka ah ayaa looga hadli doonnaa shirka.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in labada dowladood ay kala saxiixan doonaan heshiisyo dhowr ah, inta lagu guda jiro kulanka.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadli doona arrimaha gobolka iyo caalamka ee hadda jira, gaar ahaan dagaalka Marinka Gaza iyo hawlgalka ay Israel ka waddo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

Ankara ayaa sanadkii 2020 bilowday dadaalo diblomaasiyadeed, oo ay hoos ugu dhigeyso xiisadda kala dhaxeysa Dowladaha Bariga Dhexe qaarkood, sida Sacuudiga, Emirate-ka Carabta iyo Masar.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc