Home Wararka Maanta Madaxweynaha oo ballanqaad u sameeyay ciidamada la dagaalamaya Shabaab

Madaxweynaha oo ballanqaad u sameeyay ciidamada la dagaalamaya Shabaab

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballanqaaday in Dowladda Federaalka ay xoojin doonto qorsheyaasha horumarinta adeegyada caafimaadka ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii waxa uu Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho uu uga hortagey qaar ka mid ah askarta ku dhaawacantay dagaalka Gobolka Shabellaha Dhexe oo loo soo qaaday Muqdisho.

Askartan oo isugu jirta Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa daryeel caafimaad loogu soo qaaday caasimadda.

“Waxaan naga go’an in ciidamada dhaawacma ay helaan daryeel dhameystiran. Waxay naftooda u huraan difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka, waana waajib in aan garab istaagno, daryeelno, una muujino in naf-hurnimadooda aan la iloobi doonin.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan bogaadinayaa, sida geesinimada leh ee halyeeyadan ay ugu huraan naftooda gobanimada iyo xoreynta dadka Soomaaliyeed. Waxaan Alle uga baryayaa inuu siiyo caafimaad degdeg ah, si ay dib ugu soo kabtaan.

Dowladda Federaalka Somaliya waxay sii xoojinaysaa qorsheyaasha horumarinta adeegyada caafimaadka ee Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo la ballaarinayo iskaashiga caalamiga ah, si loo helo taageero dheeri ah oo lagu daryeelo ciidamada dhaawaca ah. Waa waajib qaran in la hubiyo in geesiyaasheenna ay helaan daryeelka ay mudan yihiin.”

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa warkan ku sheegay qoraal uu goor dhow soo dhigay bartiisa Facebook.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc