Home Dhacdooyin Madaxweynaha oo furay Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Federaalka (SAWIRRO)

Madaxweynaha oo furay Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Federaalka (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Guddoonka Baarlamaanka, Xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare shaqadii baaxadda lahayd ee ay qabteen, intii lagu guda jiray kalfadhiyadii hore ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay hawlgalada lagu xoreynayo goobaha ay kooxaha argagixisada kaga sugan yihiin dalka, isagoo ammaanay Ciidamada Qalabka Sida, Xoogaga Difaaca Shacabka ee Macawiisley iyo Ciidamada Daraawiishta Puntland ee naftooda u huraya adkeynta nabadgelyada iyo ilaalinta qaranimada, waxaana uu sheegay in Daacish ay khatar ku tahay isu socodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

“Waxaan garab taaganahay Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland iyo shacabka deegaanadaas oo casharo lama illaawaan ah siiyay Khawaarijta Daacish. Waa dagaal xaq ah, annagana waajib ayay nagu tahay in aan garab istaagno walaalaheenna dagaalka ugu jira xoreynta iyo soo celinta karaamadeenna.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiisyadii siyaasadeed ee Madasha Wadatashiga Qaranka iyo ansixinta Baarlamaanka ee afarta cutub ee ugu horreyay Dastuurka ay horseedeen hirgelinta qorshaha doorashooyinka tooska ah, lagana gudbayo doorashooyinkii dadbanaa, waxa uuna ugu baaqay Baarlamaanka in kalfadhigan lagu dhameystiro cutubyada dhiman ee Dastuurka, si looga gudbo khilaafaadka curyaamiyay dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

“Walaalayaal, dadka Soomaaliyeed annaga ayay dhankeenna soo eegayaan, naguna aamineen waajibka ah in aan ka rarno meeshii ay ku raageen ee doorashada dadban. Waa inaan fursad u siino in maskaxdooda xorowdo, fikirkooda xoroobo, ayna codkooda xorta ah ku soo doortaan ciddii meteli lahayd. Waa garaad xumo inaan isku qancino in loo laabto jidkii foosha xumaa ee magacaabidda iyo doorashooyinka dadban.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in guushii deyn cafinta ka dib ee dhammaadkii sanadkii 2023, xoogga la saaray sidii Somaliya ay uga faa’iideysan lahayd khayraadkeeda, waxa uuna sheegay in Dowladda Federaalka aysan wax deyn ah qaadan muddadii la soo dhaafay, ayna ku dadaashay in ay beekhaansato oo isku maareyso dhaqaalaha ka yimaada canshuuraha ay bixiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay ganacsatada iyo guud ahaan canshuur-bixiyeyaasha Soomaaliyeed, sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo xasillinta dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc