Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay ka soo qaybgaleen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.
War ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in kulankan uu horudhac u yahay baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dadaalada lagu mideynayo shacabka Soomaaliyeed, si loo laba jibaaro dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
“Kulanka ayaa lagu wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo hawlgalada hadda socda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay Madaxweyneyaasha Dowlad Gobaleedyada kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan abaabulka iyo isku-duwidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa lagu sheegay intii uu kulanku socday in ay madaxdu ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in loo diyaargaroobo gogosha qaran ee dhawaan uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ujeedkeedu yahay in la abuuro jewi midnimo oo ku jiheysan la dagaalanka argagixisada, bacdamaa guusha dagaalkan ay noqon doonto bilowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan.
“Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusuusan in guulaha waaweyn ee laga gaaray la dagaalanka argagixisada ay ku yimaadeen taageerada hagar la’aanta ah ee ay shacabka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin geesiyaasha Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa mudnaanta koowaad siinaya xoojinta midnimada ummadeed ee ku wajahan ka miro-dhalinta halganka dalka looga xoreynayo cadowga arxanlaaweyaasha ah.” Ayaa lagu sheegay warka.
Waxa kaloo warka lagu yiri “Iyadoo laga ambaqaadayo ujeedadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu hawlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadowga Khawaarijta.”
Ma cadda in Jubbaland iyo Puntland ay ka soo qaybgeli doonaan kulamada soo socda ee ka qabsoomi doona Magaalada Muqdisho, inkastoo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Maxamed (Axmed Madoobe) uu horey u soo dhaweeyay gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.