Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Norway, Andreas Kravik oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada horumarinta, amniga, la dagaalanka argagixisada iyo xasillinta dhulkii la xoreeyay, sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia.
“Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada horumarinta, amniga, la dagaalanka argagixisada iyo xasillinta deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa lagu sheegay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Norway taageerada ay la garabtaagan tahay Somaliya, dadaalada lagu xoojinayo amniga iyo dowlad dhiska. Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu ku booriyay Norway in ay sii kordhiso doorka ay ka qaadato horumarinta, wax ka qabashada saamaynta isbedelka cimilada, xasilloonida Somaliya iyo gobolka.
Dhankiisa, Wasiirka Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Norway ayaa bogaadiyay horumarka dowladda ay ku tallaabsatay, gaar ahaan amniga iyo dowlad dhiska, isagoo xusay in Norway ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga dowladda.”