Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Sharciga Xeerka Shaqada Somaliya (Somali labour code), oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, kaasoo horey ay u soo ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka.
Xeerkani wuxuu muhiim u yahay in la xaqiijiyo xuquuqda shaqaalaha iyo in loo abuuro jewi shaqo oo caddaalad ah, kaas oo ku saleysan mabda’a sinnaanta iyo xorriyadda shaqaalaha.
Waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa in Shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin goobaha shaqada, iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo horumarka dhaqaalaha dalka.
Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada, Yuusuf Maxamed Aadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay saxiixiisa Sharciga Xeerka Shaqada Somaliya, oo markii ugu horreysay 52 sano ka dib wax ka beddel iyo casriyeyn lagu sameeyay.