Home Wararka Maanta Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Shiinaha ee Somaliya

Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Shiinaha ee Somaliya

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Shiinaha u soo magacaabay dalka.

Madaxweynaha oo Danjire Wang Yu ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada ayaa ka guddoomay warqadaha aqoonsigiisa Safiirnimo.

“Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Safiirka cusub, sida diiran ee uu u soo bandhigay doonista uu u qabo inuu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Somaliya iyo Shiinaha, isagoo tilmaamay ahmiyad ay leedahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa lagu sheegay “Safiirka cusub ee Shiinaha, Mudane Wang Yu ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Somaliya soo dhaweynta diiran, waxa uuna soo gaarsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa, Mudane Xi Jinping.”

Wang Yu ayaa horaantii bishan soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoona bedelay Danjire FEI Shengchao, kaas oo bishii September ee sanadkii 2021 loo soo magacaabay in uu noqdo Safiirka Shiinaha ee Somaliya.

Danjire Shengchao ayaa bishii ina dhaaftay ee July loo magacaabay Safiirka Shiinaha ee dalka Belgium.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc