Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in xuduudaha la xiro

Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in xuduudaha la xiro

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Ciidanka Puntland iyo shacabkaba kula dardaarmay inay celiyaan firxadka maleeshiyada Daacish, isla-markaana aan loo ogolaan inay meelo kale aadaan, si aysan u dhibaateen bulshooyinka kale ee ay dul degayaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in Daacish ay dib ugu soo laabato dhulka hadda laga saaray iyo dhulka kale ee hawlgalku uu ku fidayo, khaladaadkii horey u dhacayna ay wax ka baranayaan.

“Ha ogaadaan dhulkan dad baa iska leh, dowlad baa ka jirta, dadkeedaa difaacanaya, wixii horey u dhacay oo sida khaldan ku soo galay iyo duruufaha gaarka ahna Ilaahay idinkiis dhici mayso.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Dadka reer Puntland meel kastoo ay joogaan waxaan ugu baaqaya dagaalka inay ka qaybgalaan, xuduudaha inay xiraan, ciddii ay arkaan inay qabtaan, inay ku soo simaan dowladda wixii u baahan in dowladda lagu soo simo, wixii hub haystana meeshooda ku toogtaan, hadday ku arkaan miyi iyo hadday magaalo ku arkaanba.” Ayuu yiri sii raaciyay Madaxweynuhu.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Firxadkooda waa in la celiyaa, waa inaanan loo suuragelin inay mar dambe inay dhulkeenna ku soo duulaan, haddana ay deegaano kale aadaan oo dhibaan, waa inuu cimrigooda halkan ku soo koobtaa, Ilaahay idinkiis.”

Daacishta ka dagaalameysa Buuraleyda Calmiskaad ayaa waxaa u furan hal waddo oo keliya, taas oo ah waddada qarka ee Buuraha Silsiladda Golis ee tagto Gobolka Sanaag, waxaase la filayaa in taasi aysan goorahan dhici doonin, isla-markaana ay dagaalka sii wadi doonaan.

Puntland ayaa bartamaha kaga jirta dagaal aan la aqoon goorta uu soo idlaan doono, ayna suurtagal tahay in uu daba dheeraado.

Madaxweyne Deni oo Khamiistii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa qiray in dagaalkan uu waqti dheer qaadan karo.

Ciidamada oo sii wada cadaadiskooda militari ee Daacish iyo taageerada saaxiibada caalamiga ee duqaynta hawada ayaa ugu dambayn dhabaha u xaari karta in maleeshiyadu ay ka aag bedelato Puntland.

Masuuliyiinta Puntland ayaa wacad ku maray in maamulku uu qiimo walba ku bixi doono dagaalkan, si dhulka maamulkaasi uu u noqdo mid ka caagan khataraha amni ee kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc