Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Shabaab iyo Daacish

Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Shabaab iyo Daacish

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa iclaamiyay dagaal kooxaha argagixisada lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin bariga Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidanka Puntland ay diyaargarow ugu jiraan hawlgal uu sheegay inay ka sameynayaan Buuraleyda Gobolka Bari.

“Waxaan rabaa dadka reer Boosaaso, dadka Puntland iyo dhammaan ganacsatada inaan ugu bishaareeyo culeyska aan muuqan ay dareemayeen iyo caga-jugleynta ganacsiga lagu hayay in waqti dhow la soo afjari doono, haddii Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo maanta ka hadlayay munaasabad uu xarigga kaga jaray Baanka Dhexe ee Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa yiri “Ciidanka Puntland wuxuu galay diyaargarow kii ugu fiicnaa ebid uu soo maro. Waxaan ku kalsoonahay qorsheyaasha hadda socday iyo diyaargarowga socday in war farxad leh, annagoo Ilaahay kaashanayno aan maqli doono dhawaan.”

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan rabaa inaan halkan farriin uga diro dadka reer Puntland meel kastoo ay joogaan inay ka qayb qaataan dhiirigelinta iyo taageeridda ciidamada hawlgalkaasi culus gelaya.”

Warka Madaxweyne Deni ayaa si toos ah ugu socday maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo fariisimo ku leh buuraha darafyada kaga yaala Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inay maanta diyaar yihiin ciidan ku filan oo loogu talagalay inay ka qayb qaataan gulufka hareeraha Boosaaso looga fogeynayo maleeshiyadaasi.

“Waxaa maanta diyaar ah ciidan ku filan waajibaadka, oo ay u dhameystiran yihiin wax walba oo hawlgalkooda ay ku qaban lahaayeen. Wuxuu noqon doonnaa hawlgal bariga iyo galbeedka buuraha ka xiga Magaalada Boosaaso ee Golis labadaba isku mari doona, ka dulqaadi doona dhibaatooyin muddo badan jiray. Waxaan rabaa dadka reer Puntland inay u diyaargaroobaan isku tashigii aan wadnay.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay maleeshiyada Soomaalida iyo ajaaniibta ee ka barbar dagaalameysa kooxaha argagixisada inay isa soo dhiibaan, si cafis loogu fidiyo, dibna ay bulshadooda ula midoobaan.

“Waxaan kaloo halkan rabaa inaan baaq uga diro cid kasta oo ururadaas xagjirka ku jirtay oo diyaar u ah inay ka tanaasusho howshii ay ku jirtay, waxay Dowladda Puntland ay u fidineysaa in ay nabadgelyadooda ka shaqeyso, bulshadana dib ugu dirto, wixii Soomaali ahna ay dadkooda ku celiso, wixii ajnabina dalalkooda haddii ay u baahdaan in la gayn doono. Ma rabno dhiig bani’aadam, laakiin ciddii ku madax adeygta waxaan farayaa Ciidamada Dowladda inay waajibkooda ka gutaan.” Ayuu yiri Deni.

Deni ayaa sidoo kale digniin u diray dad uu sheegay inay gacan saar la leeyihiin argagixisada oo ku sugan Magaalooyinka Puntland, isagoona sheegay in maamulku uu ogyahay, tallaabana laga qaadi doono, haddii aysan ka faa’iideysan cafiska uu maamulkaasi fidinayo.

“Waxaan kaloo u sheegayaa dadka magaalooyinka jooga oo nimankaasi gacan saarka la leh oo la shaqeeya, kana shaqeysta dowladdu waa idin ogtahay, tallaabada xilliga ku habboon baa la qaadayaa, idinku laftigiina kuwa cafiskaad ku jirtaane, inta goori goor tahay dadkiina ku soo biira, haddaad ka dhega adeygtaan, hadhow yaanan la is eersan. Maanta cafis baa furan, berri isla xisaabtan baa furnaan doona.” Ayuu yiri Deni.

Waa markii ugu horreysay oo Deni uu iclaamiyo dagaal ka dhan ah Shabaab iyo Daacish, tan iyo markii 8-dii bishii January dib loogu soo doortay madaxtinimada Puntland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc