Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa Ciidamada Ukraine ku eedeeyay in ay isku dayeen inay garaacaan Xarunta Quwadda Nukliyeerka ee Gobolka Kursk.
Madaxweynaha ayaa Khamiistii sheegay in dalkiisu uu Hay’adda Quwadda Atoomikada Caalamka (IAEA) ku wargeliyay isku dayga ay sameeyeen Ciidamada Ukraine.
Ciidamada Ukraine ayaa tan iyo 6-dii bishan gudaha ugu jira gobolka ku yaala galbeedka dalka Ruushka ee Kursk, halkaas oo ay weeraro ka wadaan.
“Cadowgu wuxuu xalay isku dayay inuu weerar ku qaado Warshadda Tamarka Nukliyeerka ee Kursk. Dhacdadan waxaan ku wargelinay IAEA.” Ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka.
Madaxweynaha ayaa yiri “IAEA waxay ballanqaadeen inay khubaro soo diri doonaan, si ay xaaladda u qiimeeyaan, waana rajeynayaa inay sidaasi samayn doonaan.”
Warshadda Nukliyeerka Korontada ee Kursk ayaa ah mid loo adeegsado tamar ahaan, waana mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan dalkaasi ee bixiya adeegga korontada.
Waxyeelo kasta oo loo gaysto warshaddan ayaa sababi karta shucaac nukliyeer amaba khatar weyn oo nukliyeer, taas oo cawaaqib daran ku yeelaneysa qaaradda, waana khatarta uu haatan ka digayo Putin.
Dowladda Ukraine ayaan weli ka hadlin eedeymaha uu Putin u jeediyay ciidamadeeda markii ugu horreysay ka dagaalamaya gudaha Ruushka.
Ciidamada Ukraine oo ka soo tallaabay xuduudda labada dal ayaa sii wada bartilmaameedyada ay ka fulinayaan dalkaasi, si Ruushka loogu cadaadiyo in ciidamadiisa uu kala soo baxo dalka Ukraine.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa Khamiistii sheegay in hawlgalka ka socda gudaha Ruushka uu qayb ka yahay dadaalka lagu doonayo in lagu soo afjaro shuruudaha uu Ruushku ku xirayo joojinta dagaalka Ukraine.
Qorshaha istiraatijiyadeed Ciidamada Ukraine ee Gobolka Kursk ayaa ah mid hubinti la’aan ah, marka aad eegto in Ruushku uu dhinac kastaba ka go’doominayo ciidamadaasi.
Soo gelitaanka Ciidamada Ukraine ee gobolkaasi ayaa ka carreysiisay Madaxweyne Putin, taas oo keentay in hadda walaac laga muujiyo masiirka ciidamadaasi.