Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalkaasi Itoobiya.
Madaxweynaha Somaliya ayaa Caasimadda Addis Ababa kaga qaybgelaya Meertada 38aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika.
Shirka ayaa lagaga arrinsanaya mustaqbalka iyo danaha guud ee qaaradda, waxaana lagu soo dooran doonnaa hoggaanka cusub ee Midowga Afrika.
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa, waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonnaa madaxda ka soo qaybgalaya shirka, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.
Shirka ayaa Sabtida ka furmaya Addis Ababa, waxaana uu socon doonnaa illaa Axadda.