Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii gaaray dalkaasi Turkiga ayaa ka qaybgalay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya.
Madaxweynaha Somaliya ayaa Madaxda Caalamka kala qaybgalay furitaanka madashan, oo looga hadlo siyaasadda caaamiga ah.
“Madashan oo ka mid ah fagaareyaasha caalamiga ah ee ugu muhiimsan iskaashiga dhanka amniga iyo siyaasadda ayaa wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya waxay mudnaan siinayaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, is dhaafsiga khibradaha maamul iyo sidii Somaliya ay doorkeeda uga qaadan lahayd arrimaha caalamiga, iyadoo la xaqiijinayo midnimada iyo danaha dalkeenna.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
Qoraalka ayaa lagu sheegay “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga martiqaadka iyo soo dhaweynta diiran ee ay ku qaabileen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ayaa kulan doceedyo la qaadan doona madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka qaybgelaya madashan.”
Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya oo mid sanadle ah ayaa lagu qabtaa magaalada koonfurta Turkiga ku taala ee Antalya, waana madal ay Wasaaradda Arrimaha Turkiga ugu talagashay in si gaar ah loogu fallanqeeyo fikradaha iyo aragtiyada ku saabsan diblomaasiyadda, siyaasadda iyo ganacsiga, iyada oo lagu soo martiqaado siyaasiyiin saamayn leh, diblomaasiyiin iyo weliba aqoonyahano.