Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan jirin cid isaga ka mudan oo jiidaha hore iman lahayd, marba haddii uu joogo isagoo Madaxweynihii Qaranka ahaa, xubnaha kale ee dowladana aanay ka maqnaan doonin dagaalka.
Madaxweynaha oo Talaadadii Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley kula hadlayay Degmada Raage Ceele ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ku booriyay inay dagaalka galaan, marba haddii uu isagu la joogo.
Madaxweynaha ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada iyo janaraalada kale ee dowladda ay iyana iman doonaan goobta dagaalka.
“Ciidankii iyo Saraakiishii Dowladda waa joogaan, anigoo Madaxweynihii Jamhuuriyadda dadka ugu sarreyay waa i kanaa oo waan imid. Qof maqan ma jirto oo la sugayo oo gadaal jirta maanta oo hebel markuu yimaadaa dib-u-xoreynta bilaabanee ama la xoroobi doonnaa qof la dhahaaho ma jirto. Waa i kanaa, wax iga dambeeyo oo dhana waa sugeysiin, Wasiiraa sugeysiin, jananaa sugeysiin, waa la idiin wada imaanaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa Macawiisleyda u sheegay in guusha ay ka gaaraan dagaalka Al Shabaab ay tahay guul ay Soomaali oo dhan gaartay.
“Dadka aan ulo saaranaynaa waa idinka, guuleysta. Guushiina ogaada, guushiinu guul Soomaaliyeed waaye, min Raas Kambooni, Raas Caseyr illaa Looya-cadde, inta ka dhaxeyso Soomaaliga degan ee ku nool ayay guusha meeshaan laga sameeyo ay guul u tahay. Meel kasta oo Khawaarij joogto guusha laga keeno waa guul Soomaaliyeed, haddii ay tahay midda Puntland ka socoto ee buurahaas lagu la dagaaamayo Daacish, guusha ka timaado waan leenahay, annagaa iska leh.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa Macawiisleyda ka dalbatay in ay si mug leh uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, gaar ahaan midka haatan looga saarayo gobolkaasi.
“Khayr, nabad iyo guul ayaan idiin rajeynaya Insha’Allah, markii ugu horreysay, uguna dambeysay ma ahan, waan isu soo noqnoqon doonnaa, guuleysta. Ballanaa wada galnay inaad dagaalka Shabaab gashaan, guul iyo khayr. Geedkan in badanaa isugu soo noqoqonaynaa, haddii Alle yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gelinkii dambe ee shalay Raage Ceele uga sii gudbay dhinaca Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa Cadale ka sii wadi doono abaabulka uu maalmo ka hor halkaasi ee la xiriira hawlgalka lagu wiiqayo maleeshiyada Shabaabka.