Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliya oo taageero militari u doontay Turkiga

Madaxweynaha Somaliya oo taageero militari u doontay Turkiga

by Laacib

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistan Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay dhiggiisa Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tegay Magaalada Ankara.

Villa Somalia ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, isla-markaana ay isla qaateen in la sii ambaqaado dhameystirka fulinta heshiisyada iyo iskaashiyada wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood.

“Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Erdogan ayaa si qoto dheer uga wada hadlay hawlgalada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta oo dhibaato ku ah xasilloonida iyo horumarka gobolka, iyagoo bogaadiyay miro-dhalka iskaashiga labada dal ee dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo wiiqidda argagixisada.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Waxa kaloo warka lagu sheegay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga garab istaagga hagar la’aanta ah ee ay siiyaan Somaliya, waxa uuna xusay doorka muuqda ee ay ka qaataan dib-u-habaynta hay’adaha amniga iyo garab istaagga dagaalka lagu la jiro Khawaarijta.

Dhankiisa Madaxweynaha Turkiga, Mudane Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa tilmaamay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Somaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaalanka argagixisada, taageerada farsamada iyo midda bani’aadantinimo.”

Somaliya iyo Turkiga ayaa 8-dii bishii February ee sanadkii 2024 kala saxiixday heshiis la xiriira iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha, kaas oo soconaya muddo 10 sano ah.

Safarka degdegga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta ugu ambabaxay dalkaasi ayaa yimid, xilli Dowladda Federaalka ay la tacaaleyso kororka weerarada ay maleeshiyada Al Shabaab ka wadaan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynuhu iskama aanu tagin Ankara, waxaase uu ogyahay in Erdogan iyo dowladda uu hoggaamiyo uu kala dhaxeeyo xiriir dhab ah, isla-markaana aanay meel-na uga tageyn, si kasta oo xaaladda ay ugu adkaato.

Xiriirka labada dowladood ayaa aad u xoogeysanayay, dhowr iyo tobankii sano ee u dambeysay.

Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ay maanta Somaliya leedahay. Ankara ayaana dowladda uu fadhigeedu yahay Muqdisho ka taageerta dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo qalabeyntooda, iyadoona sidoo kale ka caawiso dhinacyada amniga, xoojinta dowladnimada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc