Inkastoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken uu Talaadadii sheegay in Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu aqbalay hindisaha Madaxweyne Joe Biden ee xabad joojinta dagaalka Marinka Gaza, haddana waxaa muuqata in Siyaasiyiinta Israel qaarkood ay caqabad ku yihiin qorshaha lagu soo afjarayo colaadda.
Xubnaha Golaha Wasiirada Israel, kuwooda mayalka adag ayaa ku hanjabaya in ay ka bixi doonaan xukuumadda uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, haddii ay aqbasho hindisaha xabad joojinta.
Xisbiga midigta fog ee uu hoggaamiyo Wasiirka Amniga Israel, Itamar Ben-Gvir ayaa ku goodiyay in ay ka bixi doonaan xukuumadda wadaagga ah, haddii ay qaadato heshiis xabad joojineed, iyadoo aan awood ahaan la burburin Xoogaga Ururka Xamaas.
Hoggaamiyaha Xisbiga Otzma Yehudit iyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich ayaa ku adkeysanaya inay dumin doonaan xukuumadda, haddii aysan qaadan taladooda ah in dagaalka la sii wado. Ka bixistooda ayaa soo dedejineysa inay burburto xukuumadda, lana qabto doorasho degdeg ah.
Raysal Wasaaruhu wuxuu qudhiisu horey u duray qorshaha saddexda weji ka kooban ee Madaxweyne Biden uu ku sheegay mid lagu gaari karo xabad joojin waarta, sii deynta dhammaan la haysteyaasha iyo dib-u-dhiska Marinka Gaza.
Netanyahu ayaa si weyn ugu tiirsan isbahaysiga midigta fog ee ka biyo diidan soo jeedintii ugu dambeysay ee xabad joojinta dagaalka ka soconaya Marinka Gaza, iyadoo xulafada xagjirka ah ay taageeradooda ku xirayaan in ciidamadu ay sii joogaan Gaza, isla-markaana ay sii wadaan burburintooda dhulka Falastiiniyiinta, gumaadka ay ku hayaan dadka aan waxba galabsan iyo is hortaagga ay ku hayaan gargaarka bani’aadantinimo.
Badbaadada siyaasadeed ee Netanyahu ayaa ku jirta sii socoshada dagaalka, si uu uga baxsado doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay iyo kiiska musuq-maasuq ee kaga furan maxkamadda gudaha, waana tan ku riixeysa in uu fuliyo rabitaanka siyaasiyiintaasi.
Maamulka Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa la aaminsan yahay in uu fahamsan yahay in dhibaato ay ka soo fool leedahay siyaasiyiinta mayalka adag ee gardaadinaya Xukuumadda Raysal Wasaare Netanyahu. Washington ayaa la sheegaya in ay Tel Aviv uga digtay in Itamar Ben-Gvir, Wasiirka Amniga lagu soo daro golaha dagaalka, kaas oo maalmahaanba dalbanayay in uu buuxiyo booskii uu Axaddii iska casilay Benny Gantz.
Iyadoo qorshaha xabad joojinta Biden uu taageero ka helay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxay haddana dadku wax iska weydiinayaan, sida uu ku fuli karo, haddii isbahaysiga xukuumadda Netanyahu ay ka biyo diidan yihiin.
Ben-Gvir iyo Smotrich waa Wasiiradii bishii May ee Netanyahu ku khasbay inuu laalo heshiiskii xabad joojinta ee ay Xamaas aqbashay, waxaana xigay weerarkii dhinaca dhulka ay Ciidamada Israel xilligaasi ku qaadeen deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, oo caalamka uu u tixgelinayay aag bani’aadantinimo, maadaama ay gabaadsanayeen 1.5 milyan oo barakacayaal ah.
Netanyahu ayaa waxaa la leeyahay ma qaadi karo tallaabo aysan raali ka ahayn siyaasiyiinta carqaladeyneysa qorshaha xabad joojinta, taas oo ay garab taalo cadaadiska kaga imanaya Washington ee ku aaddan joojinta dagaalka galaafanaya nafaha badan.
Madaxweyne Biden ayaa dhawaan sheegay in Washington ay dooneyso in a soo afjaro dagaalka uu dhiigga badani ku daatay ee sideeddii bilood ee la soo dhaafay Ciidamada Israel iyo kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ku dhex marayay Gaza.
Biden ayaan intaan ka dib indhaha ka sii laaban karin dembiyada ka dhacaya Gaza, sababtoo ah culeyska weyn ee ka haysta dal iyo dibadba. Biden ayaa la kulmaya dhalleeceyn xoog leh oo loogu jeedinayo taageerada indha la’aanta ah ee maamulkiisu uu siiyo Tel Aviv.
Mareykanka ayaa saddex jeer oo hore is hortaagay qaraaradii ay Qaramada Midoobey ku dalbaneysay in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza, isagoo markaasi Israel fursad u siinayay burburinta Xamaas, inkastoo sideed bilood oo dagaal toos ah ay kula jirtay aysan kaga adkaan.
Biden ayaa la sheegaya in hadda uu is tusay inaanu ku guuleysan karin doorashada madaxtinimada ee bisha November ka dhaceysa dalkaasi, haddii aanu gacmaha qaban Israel, bacdamaa waqtigii dheeraa ee uu siiyay ay ku fashilmatay inay kaga adkaato Xamaas.
Duulaanka Israel ee Gaza ayaa sida muuqata caqabad ku noqday ololaha dib u doorashada ee Biden, ka dib markii shacabka Mareykanka ay taageeradooda ku xireen in uu joojiyo weerarada sida toos ah loogu bartilmaameedsanayo dadka birmageedada ah, isla-markaana uu soo afjaro duulaanka Israel.
Weerarada joogtada ah ee Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa si weyn u saameeyay dalka Mareykanka, waxayna noqonaysaa markii ugu horreysay oo waxyaabo ka dhacaya dibadda ay sidaan oo kale u saameeyaan gudaha Mareykanka.
Dhibaatada Biden ka haysata dib u doorashadiisa ayaa ku xiran, sida uu uga gaashaanto caqabaddan horgudban ee ka haysata dhanka Israel, waana sababta maamulkiisu uu muddooyinkii ugu dambeysay uu culeyska ugu kordhinayay Hoggaamiyaha Israel.
Netanyahu ayaan la garaneyn, sida uu uga xeeladeysan doono cadaadiska gudaha iyo dibadda, tani oo Warbaahinta ay u aaneynayso sababta uusan illaa iyo hadda uga hadlin qaraarka uu ansixiyay Golaha Ammaanka. Cadaadiska ku kordhaya ayaa uga dhigan laba kala daran mid dooro.
Indhaha bulshada caalamka ayaa ku sii jeeda, waxa ka dhex socdo Mareynka iyo Israel, waxayna dadku eegayaan tallaabada uu Biden ka qaadi karo Israel, haddii Netanyahu uu mar kale ku adkeysto in dagaalka uu sii socon doono.
Mareykanka oo ka faa’iideysanaya taageerada uu qaraarka xabad joojinta kaga helay Golaha Ammaanka ayay tahay inuu dhaqaajiyo hindisaha xabad joojinta, mana cadda sida Biden uu u wajihi doono xulafada Netanyahu ee ka soo horjeeda joojinta colaadda.
Horaan, Xamaas oo dagaalka looga adkaan waayay ayaa lagu shabadeynayay inay tahay cidda diidan heshiiska xabad joojinta, haddase ma muuqato wax lagu eedeyn karo, haddii habeenkii Talaadada ay soo gudbisay jawaabtii laga sugayay, ayna aqbashay hindisaha Biden, inkastoo ay ku baaqday in wax ka bedel lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobada hindisaha, si loo dedejiyo waqtiga ay Ciidamada Israel ka baxayaan Marinka Gaza, marka ugu horreyso ay xabad joojintu dhaqangasho, sababtoo ah Israel oo ay tuhunsan yihiin mid dib weeraradeeda u bilaabi karto, inta ciidamadeeda ku sugan yihiin Gaza.
Si kastaba ha-ahaatee Netanyahu oo ku adkeysto sii socoshada dagaalka ayaa carrada ku sii kordhineysa bulshada caalamka, waxayna dowladaha qaar ku hoggaamin kartaa in ay qaadaan tallaabooyin ka dhan ah Israel.
Tan iyo bilowgii dagaalka, ugu yaraan 37,202 qof oo shacab ah ayay Ciidamada Israel ku dileen Marinka Gaza, halka 84,932 kalena ay ku dhaawaceen.