Madaxweynaha Maraykanka ee xilka ka sii degaya ayaa sheegay in diblomaasiyadda Mareykanka oo aad u kacsan ay keentay in la gaaro heshiiskan.
Joe Biden ayaa sheegay in natiijadani aysan ku iman cadaadiska militari ee ka dhanka ah Xamaas iyo is bedelka Bariga Dhexe, balse ay sidoo kale ku timid dibloomaasiyadda Mareykanka oo aad u adag.
“Ma ahan natiijada keliya ee cadaadiska xad dhaafka ah ee Xamaas ay ku jirtay iyo is bedelka gobolka, ka dib xabad joojintii Lubnaan iyo daciifinta Iran, laakiin sidoo kale waxay ka timid dibloomaasiyadda Mareykanka oo aad u adag.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay war uu soo saaray.
Madaxweyne Biden ayaa ku faanay in uu shaqeeyay hindisihii xabad joojin iyo is dhaafsiga maxaabiista ee maamulkiisu uu soo bandhigay dhammaadkii bishii May ee sanadkii hore ee 2024.
“Diblomaasiyaddayda weligeed kama joogsan dadaalkeenna in tan la sameeyo.” Ayuu yiri Biden.
Xeel-dheereyaasha ayaa qaba in Maamulka Biden aanu wax shuruud ah ku xirin taageeradooda militari ee Israel, si loo joojiyo dagaalka Gaza.
Cadaadis la’aanta maamulkaasi iyo bixinta kaalmadooda militari ayaa la aaminsan yahay in ay uga sii dartay xaaladda bani’aadantinimo ee dadka reer Gaza.
Mareykanka ayaa sanad kasta Israel siiya $3.8 bilyan oo gargaar militari ah. Aqalka Cad ayaana kordhiyay taageeradii militari ee Israel, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.
Baareyaasha Jaamacadda Brown ee dalkaasi Mareykanka ayaa dhawaan sheegay in Maamulka Biden uu Israel siiyay $17.9 bilyan oo gargaar militari oo dheeri ah, tan iyo bishii October ee sanadkii 2023.
Donald Trump, Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka ayaa loo tirinayaa in cadaadiskiisa cusub ee Tel Aviv uu soo dedejiyay heshiiska ay Israel iyo Xamaas ku gaareen dalka Qatar.
Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in xabad joojinta Gaza ay dhaqangeli doono maalinta Axadda ee soo socota.
Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in heshiisku uu horseedi doono sii deynta maxaabiista iyo in gargaar bani’aadantinimo oo macno leh la gaarsiiyo dadka Gaza.
Trump ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay in xabad joojin ay ka dhacdo Marinka Gaza, ka hor inta aanu xafiiska la wareegin.