Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa shaaca ka qaaday in aanu mar labaad xilka u tartami doonin, kolka la gaaro 5-ta bisha November oo doorashada ay ka qabsoomi doonto dalkaasi.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dhameysan doono muddada uga harsan muddo xileedkiisa Madaxweynaha Mareykanka iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida oo ku eg bisha January ee sanadka soo socda.
Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in inkastoo uu ujeedkiisu ahaa in mar kale uu tartamo, haddana uu aaminsan yahay in ka haritaankiisa tartanka ay dani ugu jirto xisbigiisa iyo dalkaba.
Madaxweynaha ayaa sheegay in toddobaadkan uu jeedin doono khudbad uu kula hadlayo qaranka.
Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku adkeysanayay inaanu ka hari doonin tartanka doorashada soo socoto, ka dib markii ay ka soo muuqdeen calaamadaha da’da iyo in maskaxdiisu ay xusuusta lumineyso.
Madaxweyne Biden oo 81 jir ah ayay shacabka Mareykanka walaac ka muujiyeen xaaladdiisa caafimaad, waana tan keentay in Siyaasiyiinta Xisbigiisa Dimoqraadiga ay ugu baaqaan in aanu tartamin.
Biden ayaa 11-kii bishan ku haftay shir jaraa’id oo la wada sugayay, ka dib markii uu isku khalday magacyada haweeneyda Madaxweyne Kuxigeenka u ah Kamala Harris iyo Donald Trump.
Biden ayaa isla habeenkaasi ku hor fadeexoobay shacabkiisa, intii shirkiisa jaraa’id lagu guda jiray, ka gadaal markii uu isku khalday magacyada Madaxweyneyaasha Ukraine iyo Ruushka, isagoona Madaxweynaha Ukraine ugu yeeray Putin, mar uu doonayay in microphone-ka uu ku soo dhaweeyo Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy.
Is gefka hadalada Madaxweynaha ayaa muujineysa in xusuustiisu ay si’ wax ka yihiin, inkastoo uu in badan ku dooday in xaaladdiisu ay wanaagsan tahay.
Horraan, aragti uruurin la sameeyay ayaa muujisay in Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump uu tartanka kaga horreyo Biden, taas ayaana loo maleynaya inay tahay sababta ugu weyn ee Biden uu uga tanaasulay ololihiisa dib u doorashada, walow toddobaadkii hore la sheegay in laga helay COVID-19.
Ka bixitaankiisa tartanka ayaa haweeneyda Madaxweyne Kuxigeenka ka ah dalkaasi waa Kamala Harris fursad u siineysa inay noqoto Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ku metelaya doorashada.
Biden ayaa qoraal kale oo uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay in uu si buuxda u taageerayo Kamala Harris, oo noqonaysa haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee u tartanto jegada Madaxweynaha Mareykanka, walow go’aanka kama dambeysta ah ee xisbiga uu weli harsan yahay.