Home Dhacdooyin Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo magacaabiddii ugu horreysay sameeyay

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo magacaabiddii ugu horreysay sameeyay

by Laacib

Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr) u xushay in uu noqdo Afhayeenkiisa.

Wareegto saaka ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa Eng. Deyr loogu magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa wareegtada ku sheegay in uu ku qancay in ninkaasi uu hanan karo masuuliyadda ka dhalaneysa xilkan.

“Waxa aan go’aamiyey in Eng Xuseen Aadan Cige (Deyr) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu yiri wareegtada. Waxay noqoneysaa magacaabiddii ugu horreysay ee uu sameeyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, tan iyo markii uu Khamiistii xilka la wareegay.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in dhawaan uu soo magacaabo Xubnaha Golihiisa Wasiirada, oo sida uu ballanqaaday noqon doono kuwo tayo leh.

Cirro oo ku guuleystay doorashadii 13-kii bishii November ka dhacday Somaliland ayaa xafiiska joogi doona shanta sano ee ina soo aaddan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc