Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa booqday Suuqa Idaacadda ee Magaalada Hargeysa oo xalay uu dib ka kacay.
Madaxweynaha oo ay la socdeen xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada ayaa soo kormeeray suuqaasi, iyagoo u kuurgelaya khasaaraha maaliyadeed ee dabkaasi uu gaystay.
Dabka ayaa si lama filaan ah saqdii dhexe ee xalay uga kacay suuqaasi, iyadoo aan la ogeyn waxa dhabta ah ee sababay. Dabka ayaa baabi’iyay goobo ganacsi.
Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo kaashanaya shacabka ayaa saacado ka dib ku guuleystay in la baqtiiyo dabka.
Ma jirto cid ku dhimatay amaba ku dhaawacantay dabkaasi, sida uu xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland, S/guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili).
Madaxweyne Cirro ayaa soo arkay burburka hantiyadeed ee dabku uu gaystay, isagoona sheegay in xukuumaddu ay garab taagan tahay dadkii ku hantida beelay dabkaasi.
Madaxweyne Cirro ayaa shacabka ugu baaqay inay gacan siiyaan ganacsatada uu dhibku gaaray. Xukuumadda ayaana guddi u saartay inay ka soo warbixiyaan inta uu khasaaruhu le’egyahay.
Madaxweynaha ayaa ku taliyay in dadku uu talo iyo qorshe ka yeesho, sidii looga hortagi lahaa dabka soo noqnoqday ee dhaqaale burburka ku haya bulshada.
Suuqan ayaa dacalka ku haya Suuqa Gobanimo, oo ah kan labaad ee ugu weyn Magaalada Hargeysa.
1-dii bishii April ee sanadkii 2022 ayay ahayd mid dab weyn uu cagta mariyay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa. Suuqan ayaa ah kan ugu weyn Magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba Somaliland.
Dhacdooyinka dabka la xiriira ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay suuqyada ganacsi ee magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida.
Dabka oo inta badan si kedis ah u bilowda ayaa saacado yar gudahood ku gaysta burbur dhaqaale oo aad u ballaaran.
Dabka ayaa geyiga Soomaalida ka noqday wax masiibo ah, iyadoona aad mooddo in ganacsatadu aanay inta badan waxba ka kororsan dab illaa dab kale.
Dabka ololaya ayaa raadad xun xun uga taga suuqyada ganacsiga ee magaalooyinka, waxaadna meelaha qaarkood arkaysaa inaanan si dhakhsa ah looga soo kabsan karan dhibtii iyo khasaarihii uu ka gaystay.