Home Wararka Maanta Madaxweyne Deni “Xaalad adag bay Puntland ku jirtaa ay keli ku tahay”

Madaxweyne Deni “Xaalad adag bay Puntland ku jirtaa ay keli ku tahay”

by Laacib

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta isbitaal ku yaala Magaalada Boosaaso ku booqday qaar ka mid ah askarta ku dhaawacantay hawlgalka ka socdo Buuraleyda Calmiskaad oo loo soo qaaday dhinaca Boosaaso.

Madaxweynaha oo intaasi ka dib Warbaahinta ka soo muuqday ayaa bogaadiyay ciidamada, shaqaalaha caafimaadka, bahda Warbaahinta iyo qaybaha kale ee bulshada, oo uu ku ammaanay sida hagar la’aanta ah ay garab istaaga ugu muujiyeen hawlgalka dalka lagaga sifeynayo maleeshiyada Daacish.

“Waxaan rabaa inaan halkan uga diro hambalyo ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland qaybahooda kala duwan. Sidoo kale waxaan rabaa inaan halkan hambayo uga diro xarumaha caafimaadka, shaqaalaha caafimaadka iyo guud ahana bulshada qaybaheeda kala duwan, hadday ahaan lahayd Warbaahinta, dhallinyarada iyo haweenka, sida hagar la’aanta ah ay u garab istaageen hawlgalka sifeynta Hilaac.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay askarta ku dhimatay hawlgalka ballaaran ee ay bishii labaad ka wadaan Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, isagoona sheegay in dhiigooda ay ku daahiriyeen xoreynta deegaanadii ay argagixisada ku sugneyd.

“Waxaan Ilaahay uga baryaya inuu Janatul Fardowsa geeyo. Waxaan Ilaahay uga baryaya kuwa dhaawaca inuu u booga-dhayo, waxaana Ilaahay uga rajeynaya eheladii iyo qaraabadii ay ka taggeen inay samir iyo iimaan ka yeeshaan. Waxay ahaayeen shuhaddo dhiigooda u shubay in dalkoodu iyo dadkooda ay xorriyad yeeshaan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan Ciidamada Puntland ee geesiyaasha ah meel ay joogaanba aan ku boorinaya howsha ay qabteen inay tahay howl ummadda Soomaaliyeed, caalamka iyo reer Puntlandba ay u ogtahay, ay karaamada dadkooda ku sugayn, ayna muujiyeen geesinimo iyo lahaanshaha dhulkooda in cid walba oo ku xadgudubta ay diyaar u yihiin inay ka saaraan.”

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri “Waxaan rajeynaya Ilaahay idinkiis howshaas socota oo runtii howl aad u baaxad weyn ah oo dadka reer Puntland oo dhan ay u mideysan yihiin inay noqoto howl, sidii loogu talagalay u fusha. Waxaan rajeynaya dhallinyarada iyo dadka magaalooyinka jooga ee gurmadka, dhiigga iyo garab istaagooda inay howsha intaas ka sii wadaan.”

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qurbajoogta reer Puntland ugu baaqay inay soo dedejiyaan gurmadka ay soo gaarsiinayaan ciidamada, isagoona ku booriyay in shirarka ay wadaan ay ficil degdeg ah u bedelaan.

“Xaalad adag bay Puntland ku jirtaa ay keli ku tahay. Dagaal weeye, waqti buu qaadan karaa, howl culus baa socota, kharash aad u fara-badan ayay dowladdu ciidankan la garab taagan tahay, hadday tahay saanad, sahay, hadday tahay dhaawaca iyo daweynta.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa xusay in Puntland ay u baahan tahay taageerada qurbajoogta, haddii ay dagaal adag kula jirto argagixiso caalami ah.

“Puntland waxay go’aansatay iyada iyo dadkeedu inay isku tashadaan. Ciddii wax ku biirisa diidi mayso, way soo dhaweynaysaa, laakiin cid baa wax na tareysa, gacmaha u laaban mayno.” Ayuu yiri Deni.

Deni ayaa u mahadceliyay saaxiibada caalamiga ee ka caawiyay duqaymihii xagga cirka ee dhawaan lagu garaacay saldhigyada ay Daacish ku leedahay dhulka buuraha.

Deni ayaa sheegaya in taageeradaas kooban ee hawada mooyee aysan jirin wax kale oo gurmad ama taakulo ah oo Puntland ay ka heshay dalka intiisa kale iyo dibaddaba, aan ka ahayn isku tashiga ay dadkeedu sameeyeen.

Ciidanka Puntland ayaa Talaadadii guda galay wejiga labaad ee hawlgalka uu qorshuhu yahay in lagu wiiqo maleeshiyada Daacish ee ajaaniibta u badan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc