Home Wararka Caalamka Madaxweyne Erdogan oo booqanaya Somaliya iyo Itoobiya

Madaxweyne Erdogan oo booqanaya Somaliya iyo Itoobiya

by Laacib

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa qorsheynaya in bilowga sanadka cusub ee 2025 uu booqdo dalalka Somaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Turkiga ayaa qoraal ku sheegay in uu booqan doono dalalkan labada bilood ee ugu horreya ee sanadka cusub, isagoo daba jooga wada hadaladii 11-kii bishan ee uu garwadeenka ka ahaa ee ay heshiiska ku gaareen Somaliya iyo Itoobiya.

Heshiiskan ayaa ahaa mid ay labada dal ku soo afjareen xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay heshiiskii is afgaradka badda ee ay Itoobiya 1-dii bishii January la gaartay Somaliland, kaas oo ay Somaliya ka carootay.

“Waxaan booqan doonnaa Itoobiya iyo Somaliya, labada bilood ee ugu horreya ee sanadka cusub.” Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan oo Arbacadii kulan isugu keenay Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa laga soo saaray warmurtiyeed lagu shaaciyay in labada dal ay ku heshiiyeen in la bilaabo bog cusub, oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

Erdogan oo dhexdhexaadinayay heshiiskan ayaa ku tilmaamay mid taariikhi ah, si loo helo nabad iyo xasillooni Geeska Afrika ah oo u dhaxeysa Somaliya iyo Itoobiya.

Booqashadan ayaa noqoneyso tii afaraad ee Erdogan uu ku yimaado Somaliya. Sanadkii 2011 ayuu yimid dalka, isagoo ah Raysal Wasaaraha Turkiga. Sidoo kale sanadihii 2015 iyo 2016 ayuu soo booqday dalka, isaga oo ah Madaxweynaha Turkiga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc