Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa farriin u muuqatay dardaaran u jeediyay kooxaha awoodda ka tuuray Madaxweynihii Suuriya, Bashar Al Assad.
Madaxweynaha Turkiga ayaa Isniintii sheegay in dhicista taliskii Assad ay ahayd mid ay ku diirsadaeen dadka Suuriyaanka, balse uu isagu ka digayo inaanan mustaqbalka la mahdin.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka Suuriya ay haystaan fursad ay maanta ku sixi karaan khaladaadka dowladdii burburtay, ayna tahay in loo jiheysto dhabo cusub oo dalka lagu horumarinayo.
“Suuriya waxay helaysaa xasillooni dheeraad ah, soo celinta iskaa wax u qabso, badbaado iyo karaamo dheeraad ah, haddii Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in shacabku ay doonayaan inay dalkooda dib u dhistaan, isagoo dhanka kale xoojiyay walaaca ay dadka qaarkii ka qabaan in kooxaha mucaaradka aysan u diyaarsaneyn inay dalka samatabixiyaan.
Madaxweyne Erdogan ayaa jabhadaha ugu yeeray in danahooda gaarka ah ay ka hormariyaan midda qaranka, wax kasta oo dhexdood ahna ay dib isaga dhigaan.
Jabhadaha talada dalka la wareegay ayaa ah kooxo ku heshiiyay in xukunka laga tuuro Assad, balse aysan aragti mideysan lahayn siyaasadda guud ee dalka iyo tallaabada xigta ee la qaadi karo ka dib dhicistii Assad, waxaana cabsida ugu weyn ee la qabo ay tahay inay si khaldan u adeegsadaan awoodooda amaba ay dhexdooda dagaalamaan.
Isku dhac kasta oo haatan ka soo cusboonaada dalkaasi ayaa Suuriya gelin karta fowdo aan dhammaad lahayn, marka aad eegto in hubka uu gacanta ugu jiro kooxo ay mid kasta danteeda wadato, tanina waa waxa ay cid kasta ka cabsi qabto.
Madaxweyne Erdogan oo arrintaasi ka hadlayay ayaa mucaaradka ku booriyay inay ka fekeraan danta dalkooda, isla-markaana ay ka shaqeeyaan dib u dhiskiisa, iyagoo meel iska dhigaya aragti ma dhaleys ah iyo afkaaraha quwadaha iska soo horjeeda ee gadaal ka taagan.
Turkiga ayaa gacan weyn ka gaystay in 24 sano ka dib xukunka laga tuuro nidaamkii Assad, iyadoona uu hubeeyay xoogaga la magac-baxay (Ciidamada Xorta Suuriya), kuwaa oo qayb ka ahaa Xoogaga Hayat Tahrir Al-Sham ee awoodda dalka la wareegay.
Xoogaga fallaagada ayaa 27-kii bishii November weerarkooda ka soo qaaday dhulka waqooyi galbeed ee Suuriya, halkaas oo muddo sanado ah uu Turkigu ku ilaalinayay. Ankara oo ciidamadeeda ay aag nabdoon ka sameeyeen gudaha xuduudda Suuriya ayaa halkaasi dib u dejin ugu sameysay mallaayiin Suuriyaan ah oo la soo barakaciyay.
Madaxweyne Erdogan ayaa amar ku bixiyay in laga caawiyo qoysaska Suuriyaanka ee doonaya inay dib ugu laabtaan guryahooda.
Guusha fallaagada ayaa la rajeynaya in ay soo afjarto dagaalka sokeeye ee 13-ka sano ka socday dalkaasi.