Madaxweynaha Turkiga ayaan ka tagin in Xoogaga Kurdiyiinta Suuriya uu ugu baaqo inay hubka dhigaan, si aysan gacan adag oo militari uga la kulmin ciidamadiisa.
Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay, haddii taasi la wayo in ay isla aasi doonaan Xoogaga YPG iyo hubkooduba, sida uu yiri.
Madaxweynaha oo Arbacadii ka hadlayay kulan uu la yeeshay Xildhibaanada Xisbigiisa AK ayaa ku hanjabay in Ankara aysan aqbali doonin in YPG ay qayb ka noqoto is bedelka siyaasadeed ee Suuriya.
“Dilaaga gooni-goosadka ah ama waxay macsalaamayn doonaan hubkooda ama waxaa lagu aasi doonnaa dhulka Suuriya, iyaga iyo hubkooda.” Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Erdogan ayaa yiri “Waan ciribtiri doonnaa ururka argagixisada ah ee isku dayaya in ay darbi dhiig ah na dhex dhigaan annaga iyo walaalahayaga Kurdiyiinta.”
Turkiga ayaa ka carooday weerar ay xoogagaasi Talaadadii ku qaadeen Ciidamada Xorta Suuriya ee Ankara ay taageerto, kuwaa oo qayb ka ahaa ridistii dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Bashar Al Assad.
Tan iyo ridistii taliskii Assad oo xukunka laga tuuray 8-dii bishan, Turkiga ayaa ku adkeysanayay in ay kala tagaan Xoogaga YPG, isla-markaana aanu ururku meelna ku lahayn mustaqbalka siyaasadeed ee Suuriya.
Turkiga ayaa YPG u tixgeliya koox argagixiso oo xiriir la leh Jabhadda Kurdiyiinta PKK ee muddada dheer weerarada ka gaysaneysay dalka Turkiga.
Turkiga ayaa ka feejigan in Suuriya ay noqoto meel ay PKK ka soo weerarta dalkiisa, waana taas sababta uu horaan ciidamadiisa ugu soo daabulay xuduudda uu la wadaago dalka Suuriya, isla-markaana uu taageerada militari u siiyo Ciidamada Xorta Suuriya.
Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa la filayaa in ay kordhiyaan hawlgalada lagu beegsanayo Kurdiyiinta Suuriya ee cilaaqaadka la leh Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga ee PKK. PKK waa urur ka mamnuuc ah gudaha Turkiga.
Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa PKK u aqoonsan koox argagixiso, waxayna Ankara marar badan ugu baaqday xulafadeeda NATO ee Washington iyo kuwa kale inay joojiyaan taageerada ay siiyaan YPG.
YPG ayaa ah qaybta ugu weyn ee Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya ee SDF, kuwaa oo Mareykanka uu taageero, ciidamadiisa ku sugana dalka Suuriya kala qayb qaata la dagaalanka Ururka Daacish.
Ankara ayaa YPG ku shabadeysay laanta PKK ee Suuriya, wax kasta oo dhacana aysan ogolaan doonin joogitaankeeda dalkaasi.
Taliyaha Ciidamada SDF, Mazloum Abdi ayaa toddobaadkii hore markii ugu horreysay qiray in dagaal-yahano ka tirsan PKK ay ku sugan yihiin dalka Suuriya oo gacan ka siinaya dagaalka ka dhanka ah Daacish, dibna ay ugu laaban doonaan dalkooda.
PKK ayaa tan iyo sanadkii 1984-kii dagaal kula jirta Turkiga, waxayna Ankara ay aaminsan tahay in YPG iyo Maamulka Gobolka Kurdistan ee Ciraaq ay gabaad siiyaan PKK.
Erdogan ayaa PKK ku eedeeyay in muddo dheer ay shacabka Turkiga ku dhibaateynaysay koonfur bari dalkaasi.