Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag uga hadlay tallaabada Ciidamada Israel ay maanta ku dileen Aysenur Ezgi Eygi oo ahayd gabar Turkish ah.
Gabadhan ayaa ku dhimatay rasaas ay fureen Ciidamada Israel, xilli ay ka qayb qaadaneysay dibadbax looga soo horjeedo is ballaarinta Israeliyiinta deegaameynta looga sameeyay Daanta Galbeed ee la haysto, kuwaa oo muddooyinkii ugu dambeysay rabshado iyo dhul boob ka waday dhulka Falastiiniyiinta.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in gabadhan ay dileen Ciidamada Israel ee ku sugan Magaalada Nablus.
Madaxweyne Erdogan oo cambaareeyay dilkeeda ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.
Madaxweynaha ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay sii socoshada weerarada waxashnimada ah Israel ee ka dhanka ah shacabka aan hubeysneyn.
Madaxweyne Erdogan ayaa ballanqaaday in Turkigu uu tagi doono goob kasta, oo lagu joojinayo buu yiri siyaasadda Israel ee gumeysiga iyo xasuuqa.
Ciidamada Israel ayaa madaxa ka toogtay Aysenur Ezgi, iyadoo ka mid ahayd dadka u dhaqdhaqaaqa qaddiyadda qaranimada Falastiin.
Gabadhan ayaa la dilay, xilli ay markii ugu horreysay ka qaybgaleysay mudaaharaadkeedii ugu horreyay, oo ay soo qaban-qaabiyeen Dhaqdhaqaaqa Wadajirka Caalamiga ah, oo ah koox taageerta Falastiin.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaan dilkeeda si toos ah ugu eedeyn Ciidamada Israel, balse waxa uu Tel Aviv ugu baaqay inay baaritaan sameyso.
Aysenur Ezgi oo 26 jir ahayd ayaa sidoo kale haysatay dhalashada dalka Mareykanka.