Home Wararka Maanta Madaxweyne Laftagareen oo ka hadlay geerida Taliyihii Guutada 14-ka October

Madaxweyne Laftagareen oo ka hadlay geerida Taliyihii Guutada 14-ka October

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) oo lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose.

“Waxaan uga tacsiyeynayaa ehelka, qaraabada, Ciidamada Qalabka Sida iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Gaashanle Sare Nuur Farey Gabow, oo ahaa Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xooga Dalka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa waxa uu war qoraal ah ku sheegay in Taliyuhu uu ahaa geesi qaran, shaqo wanaagsana u soo qabtay dalkiisa.

“Taliye Nuur Farey wuxuu ahaa geesi qaran, shaqo wacan ka soo qabtay dalkiisa. Intii uu noolaa waxa uu muujiyay daacadnimo, karti iyo waddaniyad. Waxaan Alle uga baryaynaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan qaraabada iyo Ciidanka Xoogga Dalka.” Ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Taliyaha ayaa maanta lagu dilay duleedka Degmada Afgooye, waxaana la sheegaya in uu dilay nin isku soo dhex qariyay ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in ninkaasi oo ku hubeysnaa qori AK47 ah uu rasaas ku faray Taliyaha, xilli uu socday diyaargarow ku aaddan, sidii ay ciidamadu ugu laaban lahaayeen goobihii ay dhawaan soo banneeyeen, sida Awdheegle iyo Sabiid & Caanoole oo maleeshiyada Al Shabaab ay qabsadeen.

Inkastoo masuuliyiinta Dowladda Federaalka aysan weli ka hadlin waxa uu ninkan ahaa, haddana waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in ciidamadu ay dileen ninkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc