Home Wararka Maanta Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in Somaliland ay u jiheysaneyso doorasho

Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in Somaliland ay u jiheysaneyso doorasho

by Laacib

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii ku dhawaaqay in Somaliland ay aadeyso doorasho, dadkuna ay diyaar u yihiin doorashadaasi.

Madaxweynaha oo shalay galab ka soo laabtay safar uu labadii toddobaad ee la soo dhaafay ku marayay Gobolada Bariga Somaliland ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha oo dadweyne fara-badan oo soo dhaweeyay kula hadlayay Barxadda Khayriyada Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland ay u jiheysaneyso doorasho.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya, iyadoo aanay weli bilaaban ololaha doorashada. Saddexda Xisbi Siyaasadeed ee Kulmiye, Waddani iyo UCID ayaa daba-yaaqada sanadkan ku tartami doona Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka.

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa 20-kii bishii April soo saaray jadwalka doorashada guud iyo waqtiga ay ka qabsoomeyso deegaanada Somaliland.

Guddiga ayaa sheegay in Doorashada Madaxtooyada iyo tan Xisbiyada Siyaasadda la qaban doono 13-ka bisha November ee 2024.

Guddiga ayaa sheegay in mar qura ay wada qaban doonaan Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo tan tooska ah ee Axsaabta Siyaasadda, isla-markaana ay ku qaban doonaan waqtiga ay asteeyeen.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Muuse Xasan Yuusuf ayaa xilligaasi sheegay in doorashada tooska ah ee Axsaabta Siyaasadda ay ku tartami doonaan saddexda Xisbi iyo tobanka Urur Siyaasadeed ee la diiwaangeliyay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc