Home Dhacdooyin Madaxweyne Putin oo ka hadlay is bedelka ka dhacay dalka Suuriya

Madaxweyne Putin oo ka hadlay is bedelka ka dhacay dalka Suuriya

by Laacib

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa Khamiistii ka hadlay is bedelka ka dhacay dalka Suuriya ee in ka badan 50 ka dib lagu soo afjaray xukunkii qoyska reer Assad.

Kooxaha mucaaradka ee ay hoggaamiso Hayat Tahrir Al-Sham ayaa 8-dii bishan qabsaday Caasimadda Dimishiq, iyagoona afgembiyay Dowladdii Bashar Al Assad, kaas oo u baxsaday Magaalada Moscow. Madaxweyne Assad iyo qoyskiisa ayaa magangelyo ka helay Dowladda Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka oo qabtay shirkiisa jaraa’id ee dhammaadka sanadka, aadna loo wada sugayay ayaa sheegay in dowladdiisu aysan difaaci waayin Assad oo xulafo la ahaa, balse ay ridistiisa ka masuul yihiin ciidamada dalkaasi oo isaga soo baxay fariisimahooda, taasina ay sahashay in mucaaradku ay la wareegaan Dimishiq.

Madaxweynaha ayaa beeniyay in dhicitaanka saaxiibkii Assad uu guuldarro u yahay Ruushka, welina ay Ciidamada Ruushka ku sugan yihiin sida uu yiri saldhigyadoodii dalkaasi.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Moscow ay wada hadal kula jirto kooxaha la wareegay awoodda dalkaasi, isla-markaana ay ka fekerayaan masiirka ciidamadiisa degan xeebaha galbeed ee dalkaasi, gaar ahaan Saldhigga Ciidanka Cirka ee Hmeimim (Khmeimim) ee Magaalada Latakia iyo saldhigga kale ee ay ku leeyihiin Dekedda Magaalada Tartus.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa tibaaxay in dalalka Bariga Dhexe iyo kooxaha ka taliya Suuriya ay doonayaan in Ruushku sii joogo dalkaasi.

“Waxaan la xiriirnay dhammaan kooxaha Suuriya iyo dalalka gobolka, waxayna noo sheegeen inay daneynayaan inaan sii joogno saldhigyadayada.” Ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan u baahanahay inaan ka fekerno. Waxaan u baahanahay inaan nafteenna go’aan ka gaarno, sida xiriirkayagu uu noqon doono xoogagga siyaasadeed ee hadda gacanta ku haya Suuriya, mustaqbalkana xakameyn doona xaaladda dalka. Waxaa loo baahan yahay in danteennu ay isku soo beeganto.”

Xeel-dheereyaasha ayaa sheegaya in jug weyn oo soo gaartay Ruushka ay noqon doonto, haddii ciidamadooda ay isaga baxaan Saldhigga Ciidanka Cirka ee Latakia iyo Saldhigga Badda ee Tartus. Saldhigyadan ayaa la sheegaa in ay muhiim u yihiin awoodda isku xirka Ruushka ee Badda Mediterranean-ka iyo Qaaradda Afrika.

Ruushka oo sanadkii 2015 fara-geliyay dagaalka sokeeye ee Suuriya ayaa is garabtaag u sameeyay dowladdii dalkaasi, iyadoo ay xaaladdu ku xun tahay.

Awoodda hawlgalada hawada ee Ruushka ayaa Militariga Suuriya ka caawisay inay dib u qabsadaan dhulkii ay fallaagada ku qabsatay dhowrkii sano ee xilligaasi uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Inkastoo Ruushku uu isku dayay in mar labaad uu samatabixiyo Dowladdii Bashar Al Assad, haddana gacan sarreyntii mucaaradka ee dagaalka ayaa ka hor istaagtay in markan uu ka baxsado kacdoonkii lagaga soo horjeeday.

Dhanka kale Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay inaanu weli la kulmin Assad oo haatan ku sugan Moscow, balse uu qorsheynayo in uu la kulmo.

Madaxweyne Putin ayaa ka dhawaajiyay in Assad uu kala hadli doono halka uu ku dambeeyay Saxafiga Mareykanka u dhashay Austin Tice ee la la’yahay.

Austin Tice ayaa la aaminsan yahay in bartamihii bishii August ee sanadkii 2012 lagu afduubay dalka Suuriya, isagoo ka warbixinaya xaaladda dalkaasi.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sii deynta Saxafiga ku tilmaamay mudnaanta koowaad ee qaranka. Tice ayaa ahaa Saxafi madaxbannaan iyo askari ka soo mid noqday Ciidamada Marines-ka Mareykanka.

Si kastaba ha-ahaatee hadalka Putin ayaa noqonayo kiisii ugu horreyay ee uu kaga hadlo xaaladda dalka Suuriya, tan iyo markii xukunka laga tuuray saaxiibkiisii ay isbahaysiga ahaayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc