Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa Magaalada Muqdisho kula kulmay xubno ka mid ah Culimada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan afur ah ugu sameeyay Culimada Soomaaliyeed ee lagu soo martiqaaday kulankaasi.
War ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu culimada la wadaagay muhiimadda isku xirnaanta culimada, shacabka iyo dowladda oo laf dhabar u ah Qaranimada Somaliya.
“Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyay kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo xasillinta dalka, isaga oo si gaar ah u xusay doorkooda ku aaddan baraarujinta bulshada ee la dagaalanka Khawaarijta iyo afkaarta xagjirnimada.” Ayaa lagu yiri warka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culimada ku booriyay in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed ee bulshada, iyagoo garab istaagaya dadaalada dowladdu ay ku xoojineyso nabadda iyo xoreynta dalka, sida lagu sheegay warka.
“Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka dhageystay culimada talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta dowladnimada, la dagaalanka been abuurka argagixisada ee arrimaha diinta iyo horumarinta danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.
Wasiirka Diinta & Awqaafta, Mukhtaar Roobow Cali ayaa goobjoog ka ahaa kulanka ay Madaxda Dowladda Federaalka la yeesheen culimada.