Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo amray in xanuunka la dareensiiyo horjoogeyaasha Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo amray in xanuunka la dareensiiyo horjoogeyaasha Shabaab

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa amar ku bixiyay in si dhow loo ugaarsado xubnaha sarsare ee Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay’adda NISA uu faray in laga faa’iideysto fursadda hawlgalada cirka ee maanta jira.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu amray in horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Al Shabaab aysan harsan, illaa laga dilo amaba ay iska soo dhiibaan.

Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa si hoose Warbaahinta ugu dusinaya in Madaxweynuhu uu Saraakiisha Militariga iyo kuwa NISA uu ka dalbaday in horjoogeyaasha lagu bartimaameedsado meel kasta oo dalka ay kaga sugan yihiin iyo in la kordhiyo duqaymaha lagu hayo goobaha la ogyahay in maleeshiyadu ay ku badan tahay amaba ay isku uruursaneyso.

Madaxweynaha ayaa la sheegaya in go’aankan uu qaatay, ka dib isku daygii dil ee Talaadadii uu ka badbaaday iyo isagoo markii horeba riixayay in la dardargeliya wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax waddada dhinacneeda la dhigay oo kolonyo uu Madaxweynuhu la socday lagu la eegtay agagaarka Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa sheegaya in dhowrka cisho iyo toddobaadyada ina soo aaddan ay noqon doonaan kuwo muhiim u ah dagaalka lagu la jiro Al Shabaab.

Duqaymaha la joogteynayo ayaa faa’iido u leh ciidamada dhulka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Shabaabka, waxayna taasi cagsigeeda ay dhibaato ku tahay maleeshiyadaasi. Duqaymaha ayaana yareynaya khasaaraha ciidamada.

Kororka weerarada cirka ayaa xitaa carqaladeyn kara weerarada ay Shabaabku qorsheynayaan iyo in ay khasab ku noqoto inay ka baxaan meelaha qaar ee ay difaaca ka xirteen.

Dowladda Federaalka ayaa si joogta ah ugu celcelineysa in shacabku ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyadaasi.

Dad badan ayaa qaba in inta uu Madaxweynuhu u heelan yahay ciribtirkooda iyo inta ciidamadu ay is ballaarintu sameynayaan ay masiirka Shabaabka ka dhigeyso mid aan sugneyn oo bilaa hubinti ah.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la dhihi karaa waxay xilligan u jeedsatay dagaal, kaasoo uu yoolkiisu yahay in lagu burburiyo awoodda militari ee Al Shabaab, inkastoo aan la aqoon inay muddo dheer sii wadi doonto cadaadiska ay ku hayso iyo in kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc