Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hoygooda ku booqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Villa Somalia ayaa sheegtay in Madaxweynaha oo booqashadan uu ku wehlinayay Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ay la xiriirtay uun, sidii Madaxweynuhu uu Guddoonka Baarlamaanka ula qaybsan lahaa farxadda maalmaha xorriyadda.
Hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynuhu uu Guddoonka Labada Aqal kala hadlay arrimo la xiriira Kalfadhigga 5aad ee Baarlamaanka 11aad.
Xildhibaanada Baarlamaanka oo labadii bilood ee ugu dambeysay fasax ku maqnaa ayaa intooda badan dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa Guddoonka Labada Aqal ku booriyay in dib loo bilaabo kulamadii Baarlamaanka.
Guddoonka ayaa la filayaa in dhawaan ay muddeeyaan goorta uu furmayo Kalfadhigga 5aad ee Baarlamaanka, si loo dardargeliyo howlaha horyaalla Baarlamaanka.
Ka hor inta aysan Xildhibaanadu fasaxooda gelin ayay ansixiyeen qabyo-tir lagu sameeyay 4 ka mid ah 15-ka cutub ee uu ka kooban yahay Dastuurka KMG.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badani ku bixinaya dhameystirka Dastuurka KMG, inkastoo uu mucaaradad xoog leh kala kulmay siyaasiyiinta mucaaradka.
Mucaaradka ayaa ka horyimid dhabaha ay Villa Somalia u mareyso wax ka bedelka lagu sameynayo qodobada qaar ee ku jira 15-ka cutub ee Dastuurka Qabyo Qoraalka.