Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Khamiistii ku laabtay jiidaha hore ee Hirshabelle ayaa xalay ku hoyday Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa degmadaasi u tegay dardargelinta hawlgalka ballaaran ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Madaxweynaha ayaa Cadale ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo siyaasiyiinta, waxgaradka, odayaasha iyo culimada deegaanka iyo weliba Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida & Hoggaanka Macawiisleyda.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu amar ku bixiyay in nin walba oo masuul ah uu iska xaadiriyo goobta dagaalka, dibna aan loo soo guryo noqon karin, iyadoo aan argagixisada laga ciribtirin Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu masuuliyiinta ka dalbaday in ay wax ka hoggaamiyaan hawlgalka lagu wiiqayo Al Shabaab.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu beelaha deegaanka ku adkeynayo inaanan loo kala harin dagaalka dib-u-xoreynta, si loo soo gacan geliyo dhulka ka maqan gacanta qaranka.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa xalay Duubabka Dhaqanka iyo siyaasiyiintaba u bandhigay in laga faa’iideysto taageerada ay haatan dowladdu diyaarka ula tahay dadka deegaanka.
Madaxweynaha ayaa xubnaha uu la kulmayo u sheegaya keliya inay ka doonayaan in ay iska dulqaadaan cadowga ay Villa Somalia u aragto inay dalka ku soo duuleen.
Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka socdo hawlgal gaar ah, kaas oo cir iyo dhulba lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.
Hawlgalka gobolkan ayaa hadda laf dhabar u ah dagaalka ay dowladdu dooneyso inay kaga adkaato maleeshiyadaasi. Hawlgal midkani barbar socda ayuu qorshuhu yahay in si dhakhsa ah looga bilaabo Gobolka Hiiraan, iyadoo markaasi dagaal buuxa la gelinayo maleeshiyada ku sugan deegaanada Hirshabelle.
Hawlgalkan ayaa qayb ka ah wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, kaas oo ujeedkiisu yahay in Shabaab lagaga saaro deegaanada Hirshabelle, si la mid ahna looga kiciyo dhulka ay ka maamulaan Galmudug.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo halka ay ka istaagto xoreynta deegaanada Hirshabelle ayaa go’aamin doona mustaqbalka Shabaab ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida hadda muuqata, waxa uu tuutaha militariga u xirtay, sidii uu u xoojin lahaa gulufka lagu soo afjarayo Shabaabka Hirshabelle.