Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo arrimo shaqo u jooga dalka Sacuudiga ayaa Arbacadii booqday Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina.
Villa Somalia ayaa sheegtay in Madaxweynuhu uu salaadaha ku oogay Masjidka Nabiga (NNKH), isla-markaana uu shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni iyo xasillooni leh horumar.
“Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta, horumar iyo xasillooni.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadii u ambabaxay dalkaasi, ka dib markii uu casuumaad ka helay Boqorka Sacuudiga, Salman bin Abdulaziz.
Goor sii horreysay war ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, amniga iyo ganacsiga.
Ma cadda muddada ay qaadan doonto booqashada shaqo ee Madaxweynuhu uu ku joogo dalkaasi.