Dowladda Federaalka ayaa taageero dheeraad ah u raadineysa hawlgalka lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab ee ka socdo deegaanada Hirshabelle, ka gadaal markii maleeshiyadaasi ay Arbacadii la wareegtay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe, muddooyinkana ay culeys ku haysay gobolkaasi.
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee Arbacadii dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho ayaa isla habeenkii Arbacada ka bilaabay kulamo uu taageero ugu raadinayo dagaalkan, si ay dowladdiisu uga gudubto xujada ka haysata in la joojiyo weerarada ay Shabaabku ka wadaan gobolkan, loona dardargelin lahaa wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.
Ka hor inta aanu Madaxweynuhu Khamiistii u ambabixin dalka Turkiga ayuu habeen hore xafiiskiisa kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, odayaasha iyo waxgaradka beelaha Galmudug iyo Hirshabelle qaarkood, isagoona weydiistay in dhowrka cisho ee soo socda aysan samayn wax aan ahayn fadhiyo ay ku abaabulayaan xoogag u diyaar ah inay ka barbar dagaalamaan ciidamada dagaalka kula jira Al Shabaab.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa la sheegaya in sidoo kale uu xiriiro isgaarsiinta kula sameeyay siyaasiyiinta iyo odayaasha aan ku sugneyn Muqdisho, balse jooga Gobolada Dhexe, si dhankooda ay u abaabulaan xoogag ka qayb qaata dagaalkan.
Wararka ayaa sheegaya in xubnahaasi ay aqbaleen baaqa Madaxweynaha, isla-markaana ay u sheegeen in ay si dhakhsa ah u hawlgali doonaan.
Dowladda Federaalka ayaa hadda ciidamo fara-badan ka fileysa beelaha, inkastoo mar kasta ay dowladdan wax isugu toosaan aan la waayin caqabad meel ay ka timid aan la aqoon.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa laga yaabaa in Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee dalka ku sugan uu ugu yeero inay ciidamadooda ku soo biiriyaan dagaalka, iyadoo si wadajir ah looga jawaabayo xaaladda taagan.
Ciidanka Hawlgalka ATMIS ayaa hadda si ku-meel-gaar ah uga sii shaqeynaya dalka, inta laga gaarayo bisha June, markaas oo dalalka xubnaha ka ah hawlgalka cusub ee AUSSOM ay soo dhameystiri doonaan ciidamadooda ka midka noqonaya hawlgalkan, oo Dowladda Soomaaliyeed looga caawinayo sugidda amniga iyo wiiqitaanka Al Shabaab.
Is ballaarinta ay Shabaabku ka wadaan Gobolka Shabellaha Dhexe iyo qabsashadoodii ugu dambeysay ee Masaajid Cali Gaduud ayaa Dowladda Federaalka ka dhigtay mid aan siyaasad ahaan xasillooneyn.
Gobolkan ayaa hadda muhiim u ah ololaha militari ee la doonayo in maleeshiyada Al Shabaab lagaga suuliyo guud ahaanba deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug, waana midka go’aamin doona in Shabaab laga adkaan karo iyo in kale.
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa gobolkaasi ka waddo weeraro aan horey loo arag, iyadoona ay maleeshiyadu isku dayeyso in ay fashiliso qorshaha ay Dowladda Federaalka ugu socoto in looga saaro galbeedka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo muddo dheer ay ka arriminayeen.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii is bedel degdeg ah looga samayn lahaa gobolkaasi, taasoo ku tusineysa ahmiyadda uu u leeyahay hawlgalka ciribtirka Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa jiidaha hore ee Hirshabelle ku laaban doona, ka dib munaasabadda Ciidul Fidriga.