Home Dhacdooyin Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Degmada Raage Ceele + qorshaha uu u tegay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Degmada Raage Ceele + qorshaha uu u tegay

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii saddexaad toddobaad gudihiis ku laabtay jiidaha hore ee deegaanada Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa Axaddii dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, si uu ugu qaabilo Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf oo booqashadiisii ugu horreysay ku yimid dalka, ka dib markii 13-kii bishan uu xilka la wareegay.

Madaxweynaha ayaa maanta gaaray Degmada Raage Ceele ee Gobolka Shabellaha Dhexe, oo ka mid ah goobaha uu ka socdo abaabulka iyo diyaargarowga ciidamada ee hawlgalka lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kula hadlay ciidamo Macawiisley ah oo loo diyaariyay la dagaalanka Al Shabaab, waxaana uu ku booriyay sida ay uga go’an tahay, sidii dhibaatada argagixisada ay uga dulqaadi lahaayeen dadka ay ku hayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ka dib uga sii gudbay dhinaca Degmada Cadale, si uu uga sii wado hoggaaminta abaabulka iyo hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr cisho abaabul ka waday Cadale, ka hor inta aanu maalin ka hor ku laaban Muqdisho.

Qorshaha Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa u muuqdo mid uu kaga shaqeynayo, sidii maleeshiyadaasi looga riixi lahaa deegaanada qaarkood ee hoostaga Degmooyinka Raage Ceele iyo Cadale oo dhaca dhinaca xeebta ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Degmada Raage ee bariga Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay saaran tahay waddada xeebta ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dhexe.

Hawlgalka gobolkan ayaa xoogeystay, ka gadaal markii maleeshiyada Al Shabaab ay bishii February bilaabeen inay culeys soo saaraan deegaanadii xorta ahaa ee gobolkaasi.

Shabaabka ayaa si la yaab leh isugu soo ballaariyay deegaanadii horey looga saaray ee bariga gobolka, iyadoona is fiditaankoodaasi uu dib-u-dhac weyn ku keenay wejiga labaad ee hawlgalka dalka looga saarayo.

Hawlgalka Shabellaha Dhexe ayaa hadda laf dhabar u ah dagaalka ay dowladdu dooneyso inay kaga adkaato maleeshiyadaasi, iyadoo mid la mid ahna laga sameynayo Gobolka Hiiraan.

Gulufkan dagaal ayaa qayb ka ah wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, kaas oo ujeedkiisu yahay in Shabaab lagaga saaro deegaanada Hirshabelle, sidoo kalena looga kiciyo dhulka ay ka maamulaan Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale buudka militariga u xirtay, sidii Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleydu ay u xaqiijin lahaayeen Hirshabelle oo xor ka ah Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc