Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee Axaddii gaaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa Caasimadda Nairobi kaga qaybgelaya Shirka Madaxda Afrika iyo Bankiga Adduunka, oo maanta ka furmaya magaaladaasi.
“Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bankiga Adduunka ayaa diiradda saari doona horumarinta iyo maalgashiga Qaaradda Afrika sidii loo xoojin lahaa, iyada oo loo marayo mashaariic horumarineed oo waaweyn.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.
Warka ayaa lagu sheegay “Madaxweye Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi, wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonnaa Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta ka socda Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah, si loo dardargeliyo iskaashiga u dhaxeeya Somaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowrkii cisho ee ugu dambeysay ku sugnaa dalka Tanzania.