Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dareensan in xaaladda Gobolka Shabellaha Dhexe ay hadda wax iska bedelayaan, ka dib wax ka yar saddex toddobaad oo maleeshiyada Al Shabaab ay weeraro qalqalgelin ah ka wadeen deegaanadii xorta ahaa ee bariga gobolkaasi.
Madaxweynaha ayaa dhawaan cadaadis xoog leh saaray Taliyeyaasha & Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga, si ay ula yimaadaan qorsheyaal wax ku ool leh oo suurtagelinaya in wax laga qabto weerarada ay maleeshiyadu ka waddo deegaanadii horey looga saaray ee gobolka.
Dhowr iyo toban kun oo askari ayaa la geeyay furimaha gobolkaasi, waxaana sare loo qaaday duqaymaha xagga cirka ee lagu beegsanayo maleeshiyadaasi, iyadoona uu hadafku yahay in hawlgalku noqdo mid lugtaa furan ah oo ciidamadu ay meel walbaba ku tagayaan oo dhulka Hirshabelle ah.
Shabaabka ayaa dib uga guranaya in ka badan toban deegaan oo qaarkood ay qabsadeen, qaarka kalena ay ku sii dhawaanayeen in ay la wareegaan.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa la sheegaya in bilowgii uu ka carooday is ballaarinta Shabaabka ee gobolka iyo in weeraradooda ay saamayn ku yeesheen, oo ay dib u dhigeen wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ee laga bilaabay deegaanada Hirshabelle.
Madaxweynaha ayaa maalmihii u dambeeyay abaabulka iyo diyaargarowga ciidamada kala socday xafiiskiisa, iyadoona xafiiskiisu uu warbixino joogta ahi ka helayay Saraakiisha Militariga. Tani waxay dejisay dareenkii kacsanaa ee Madaxweynaha, waxaana Isniintii uu safar maalin illaa laba cisho uu ugu ambabaxay dalka Emirate-ka Carabta. Safarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee Madaxweynuhu ugu ambabaxo dalka dibaddiisa, muddo laba toddobaad ah.
Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa noqday meel ay ku qulqulayaan ciidamada qaybahooda kala duwan, si loo soo afjaro weeraradii ay Shabaabku ku doonayeen inay ku wiiqaan hawlgalkii horaan la qorsheeyay in lagu qabto dhulka ay kaga sugan yihiin Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Waxa hadda ciidamada laga sugayo ayaa ah inay gacan bir ah ku qabtaan amniga deegaanadii xorta ahaa, ka dibna ay afka aadiyaan deegaanada galbeedka ee Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, halkaas oo Shabaabku ay gacanta ku hayaan.
Saraakiisha ku dhow dhow Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kuu sheegaya in Madaxweynuhu uu kalsooni buuxda ku qabo in ciidamada ay hadda diyaar u yihiin inay si adag u wajahaan maleeshiyada Shabaabka.
Saraakiishan ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu la sii socon doono is bedelada ay ciidamadu ka sameynayaan goobta dagaalka. Saraakiishan ayaan meesha ka saarin in Madaxweynuhu uu booqan karo furimaha hore.
Dalalka Somaliya ka taageera duqaymaha cirka ayaa la rajeynaya in ay ciidamada ka taageeraan goobaha ay lagama maarmaanka tahay in hawada laga garaaco.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa waxaa la leeyahay ma istaagi doonaan, inta Shabaabku ay ku sugan yihiin gudaha Hirshabelle.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Dhulka, S/guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo saraakiil kale ayaa u kabo gashtay inay hawlgalkan hoggaamiyaan.