Home Dhacdooyin Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka carreysiiyay ummadda Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka carreysiiyay ummadda Soomaaliyeed

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaaday tallaabo uu magaca kaga bedelayay Xerada General Gordon ee Magaalada Muqdisho, isagoona ugu magac-daray korneyl ka tirsanaa Ciidamada Emirate-ka Carabta. Tani ayaa ka carreysiisay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa Xerada Tababarka General Gordon oo ku taala Degmada Hodan ugu magac-daray Colonel Mohamed Mubarak Al Mansouri, kaas oo 10-kii bishii February ee sanadkan 2024 lagu dilay toogasho uu nin askari ahaa ka gaystay xeradaasi.

Askarigan ayaa xilligaasi si toos ah u beegsaday tababareyaal u dhashay dalalka Emirate-ka Carabta iyo Bahrain, xilli la tukanayay Salaadda Maqrib. Korneylka ayaa lala dilay saraakiil kale oo lagu kala magacaabi jiray Mohamed Al Shamsi, Khalifa Al Balushi iyo Suleiman Al Shehhi.

Askariga ayaa ka mid ahaa askar loo qaatay in si gaar ah loo tababaro, waxaana masuuliyadda weerarkaasi sheegatay Al Shabaab.

Xeradan oo saaran Waddada Warshadaha ayaa waxaa 10 sano ka hor loogu magac-daray General Maxamed Ibraahim Faarax (Gordon), Taliyihii Guutada 5aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Jananka ayaa ku dhintay weerar abaabulan oo maleeshiyada Al Shabaab ay 29-kii bishii October ee sanadkii 2012 ka gaysteen deegaanka Buufow ee duleedka Magaalada Marka.

Weerarkan ayaa dhacay laba bilood uun ka dib, markii Shabaabka laga saaray Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ee Magaalada Marka.

General Gordon ayaa lagu xusuustaa in uu ka mid ahaa saraakiishii lafdhabarta u ahayd hawlgalkii militari ee bishii August ee sanadkaasi Shabaabka loogala wareegay gacan ku haynta magaaladaasi, ka dib dhowr sano oo ay ka arriminayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa magaca uga bedelay Xerada General Gordon, uguna magac-daray korneylka Emiratiga ah.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxwenuhu uu tixgeliyay in ay ku habboon tahay in xeradaasi loogu magac daro korneylkaasi.

Is bedelkan ayay dadka qaarkii u fasirteen in Madaxweynuhu uu u sameeyay, maadaama xeradaasi ay maamulkeeda gacanta ku hayso Dowladda Emirate-ka Carabta, taas oo dowladdiisa ka taageereysa dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Hase yeeshee waxay tani hadal hayn xoog leh ka dhalisay dalka, waxaana dadka ka daadegi la’ in Villa Somalia aanay muujin, sida ay ku eedeynayaan maamuuskii uu mudnaa Allaha u naxariistee General Gordon, oo muddo dheer ka soo mid ahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiishii ugu firfircooneed ee Ciidamada Qaranka.

Dadka wax ku qora barraha bulshada ayaa si weyn Madaxweyne Xasan Sheekh ugu dhalleceynaya tallaabadan, oo qaarkood ay ku sheegayaan mid aan laga fiirsan.

Qoraalada lagaga falcelinayo arrintan ayaad arkaysaa in dadku ay si kulul ugu weerarayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ka dib markii warkan uu si weyn ugu dhex faafay bulshada dhexdeeda, Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo saaray digreeto labaad, oo magaca uu kaga bedelay Xerada Damaanyo ee Magaalada Muqdisho, uuna ugu magac-daray General Gordon, laakiin tani ma qaboojin carrada shacabka.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in janan u dhintay dalkiisa iyo dadkiisa magaciisa lagu bedelo korneyl shisheeye.

Xildhibaan Gama’diid ayaa sheegay in jananku uu ka mid ahaa saraakiishii ugu muhiimsaneed ee Ciidanka Xoogga Dalka, isla-markaana uu billad geesi ah ku muteystay doorkiisii hoggaamineed ee dagaalkii 1977-kii ay Somaliya la gashay Itoobiya. Waxa uu intaasi ku daray in jananka oo tababar ku soo qaatay dalalka Ruushka iyo Mareykanka uu ka mid ahaa Saraakiishii hoggaamineysay dagaalkii Shabaabka sanadkii 2011 lagaga saaray Caasimadda Muqdisho.

Mudanaha ka tirsan Golaha Shacabka ayaa arrintan ku tilmaamay ihaano loo gaystay sharafka iyo qiimaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Inta ay taariikhda dalka qoreyso, waa markii ugu horreysay xero ciidan oo horey loogu magac-daray janan Soomaaliyeed lagu soo bedelo magaca sarkaal qalaad.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc