Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay, sida Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay isaga caabiyeen weeraradii Shabaabku ay maanta ku soo qaadeen saldhigyada ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayuu Madaxweynuhu si gaar ahi ugu bogaadiyay, sida naf hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida ay u wajaheen maleeshiyadii soo weerartay deegaanada Buulo Xaaji iyo Harboole, isagoo tilmaamay in guushan ay ka marqaati kaceyso tayada iyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixineyso dib-u-dhiskooda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dadka reer Jubbaland ugu hambalyeeyay guusha ciidamada, isagoona adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo, sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxaha argagixisada.
“Maanta jabka weyn ee khawaarijta lagu gaarsiiyay deegaanada Buulo Xaaji iyo Harboole ee Jubbaland waa calaamad muujineysa in gabbalkoodu uu dhacay, geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeedna ay awood u leeyihiin in ay ka xoreeyaan deegaan kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraalka ku sheegay in wada shaqeynta ciidamada iyo bulshada ay aasaas u tahay xaqiijinta amniga iyo ka hortagga dhagarta argagixisada, sidaas awgeed waxa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.
Shabaabka ayaa saakay weerar saf ballaaran ku qaaday fariisimaha ay ciidamadu ku leeyihiin deegaanada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni, Miido iyo Harboole, oo dhawaan laga saaray maleeshiyada.
Weeraradan ayaa ku bilowday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, marka laga soo taggo weerarka ka dhacay Baar Sanguuni, iyadoo ay xusid mudan tahay in gaarigii miineysnaa ee lagu weeraray Miido uu ku dhacay god ay ciidamadu ugu talagaleen in ay kaga gaashaantaan qaraxyada ceynkani oo kale ah.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay dib isaga caabiyeen Shabaabkii soo weeraray, khasaare lixaad lehna ay gaarsiiyeen.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in dagaalka lagu dilay in ka badan 80 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, waxayna Saraakiisha Ciidamadu xaqiijiyeen in nolosha lagu qabtay xubno ka tirsan Shabaabka.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sidoo kale soo bandhigay hub iyo rasaas ay sheegeen in laga furtay maleeshiyadaasi.
Shabaabka ayuu ujeedkoodu u muuqday in weeraradaasi ay ku fashiliyaan hawlgalada militari ee ay ciidamadu dhawaan ka bilaabeen gobolkaasi.