Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka jawaabay baaqii dhawaan uga yimid siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ee ku saabsanaa in loo midoobo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
Siyaasiyiinta ayaa baaqaan u jeediyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, ka dib walaac ay dadka qaarkii ka muujiyeen tallaabadii ay Al Shabaab Arbacadii kula wareegtay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Siyaasiyiintan ayaana Madaxweynaha ku booriyay in uu qaato kaalin hoggaamineed, isla-markaana uu dhigo gogol qaran oo la isaga kaashanayo dib-u-xoreynta dalka iyo burburinta Al Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabaya baaqooda ayaa marka hore uga mahadceliyay soo jeedintooda ku aaddan in la iska kaashado la dagaalanka Al Shabaab.
“Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed waxaan uga mahadcelinayaa garashadooda wanaagsan ee inaanan Khawaarijta isku haysanin afkaar siyaasadeed iyo sidaan baa dalka u roon iyo sidaan uma roono ee aan isku haysano jiritaanka Dowlad Soomaaliyeed oo xor ah oo dimoqraadi ah dalkan inay ka hana qaaddo. Waa middaa midda aan isku haysano.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay gogol uu u fidinayo danleyda siyaasadda dalka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, si aragtooda ay qayb uga noqoto la dagaalanka Al Shabaab iyo dhismaha dowlad casri ah.
“Waxaan soo dhaweynaynaa garaadka wanaagsan ee lagu ilaalinayo qaranimadeenna. Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, si aragtiyahooda iyo dadaalkooda uu qayb uga noqdo dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, kuna shaqeysa dastuurka iyo sharciyada inoo degsan.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqay gogoshan uu fidiyay, xilli la geeyay waxa ay dowladdiisa kaga jawaabi doonto baaqa siyaasiyiinta.