Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Magaalada Oslo ayaa xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway.
Sida ay sheegtay Villa Somalia kulankan ayaa ku saabsanaa taageerada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto kooxaha argagixisada.
Madaxweynaha oo ka hadlay kulankaasi ayaa jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dowlad dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaalanka Al Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay maanta samayn doonaan wax kasta oo ay awoodaan, oo ay ugu horreyso dhameystirta Dastuurka Qabyo Qoraalka.
“Dastuurka waan dhameystiraynaa Ilaahay idinkiis. Duruufteenna maanta waxa ay saamaxeyso oo maanta suurtagalka ah waan sameynaynaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Waxa kaloo uu yiri “Maanta annaga waxa noo suurtagalka ah aan samayn karno waa inaan dastuurka dhameystirno, doorasho qof iyo cod ah aan qabano, Khawaarijta aan dalka ka saarno, xukunka dowladnimada oo dalka ku soo celino, dalkeenna sharaftiisa iyo karaamadiisa aan soo celino oo booskii dunida aan ku lahayn inaan xaqiijino oo aan dib u soo istaagno.”
Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dib u soo nooleynta xubinimada Somaliya ee goleyaasha gobolka iyo kuwa kale ee caalamiga ahba, oo ay ugu dambeysay tii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Dowladda Soomaaliyeed ay toddobaadkii hore dib u xaqiijisay.
“50 sano ka hor ayaa noogu dambeysay inaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey aan xubin ka noqono, maanta golihii ayaa xubin ka nahay. Meelihii kale ee shalay haddii ay tahay Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo meel kastoo shalay aan xubin ka ahayn inaan dib u soo nooleyno xubinimadeennii. Kursigeenna waad ogtihiin muddo dheer ayuu bannaanaa oo cidina ku fadhin. Dalalka deriska nala ah xarafka (S) ka bilowdo ayay boorsooyinka saaran jireen shirarka marka la yimaado. Al Xamdulillah maanta waan fadhinaa oo waan joognaa, waana fadhin doonnaa, haddii Alle yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo ka hadlayay la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab ayaa sheegay in muddo 17 sano ah ay dhibaato ka wadeen dalka.
“Laga soo bilaabo afar iyo labaatankaas sano ee Dowladdii Carta lagu soo dhisay, 17 sano oo ka mid ah nimankaani dabar ayay ummadda Soomaaliyeed ku hayeen, iyaga oo ummadda Soomaaliyeed ka soo maray wixii ay ugu jecleed, uguna aaminsaneed oo ku mideysneed xageeda ka soo galay, oo ah Diinta Islaamka.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Al Xamdulillah maanta way fahmeen nimankan Khawaarijta ah in aanay diin ahayn waxa ay hayaan iyo dhaqanka ay hayaan iyo waxa ay sameeyeen, maxaa yeelay dadka way tuseen, wayna arkeen. Diinta Islaamka waa diin nabadeed, waa diin naxariis, waa diin ixtiraam iyo qaddarin ku dhisan.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaasi ku daray “Guulaha maanta aan gaarnay waxaa sabab u ah dadka Soomaaliyeed oo yiri bes nagu filan.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisii dalkaasi la kulmay Raysal Wasaare Jonas Gahr Støre, Boqorka Norway, Boqor Harald V iyo masuuliyiin kale.