Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Magaalada Antalya ee dalkaasi Turkiga ayaa la kulmay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga hadlay xiriirka labada dal, heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee ay dhawaan kala saxiixdeen, dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto kooxaha argagixisada iyo muhiimadda ay Somaliya u leedahay xasilloonida Geeska Afrika, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Villa Somalia ee X.

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Qaranka, Cabdiqaadir Cali Dige oo shir jaraa’id ku faah faahiyay kulankaasi ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu dhiggiisa Turkiga la wadaagay horumarada dowladda iyo ciidankeeduba ay ka gaareen dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada iyo dhabaha ay Somaliya ku taagan tahay ee ay ku gaareyso nabadda iyo xasilloonida, taas oo Turkigu uu gacan weyn ka gaystay, marka ay noqoto tababarka Ciidanka Xoogga Dalka iyo gacanta ay ciidamadu ka siinayaan hawlgalada ay wadaan.

“Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa waxay ka wada hadleen dardargelinta iyo fulinta iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee heshiiskii Dowladaha Turkiga iyo Somaliya dhex maray bishii la soo dhaafay, sidii loo fulin lahaa.” Ayuu yiri Agaasimaha.

Agaasime Dige ayaa intaasi ku daray “Heshiiskaas ayaa Dowladda Federaalka waxyaabaha muhiimka u ah ee ku jira waxaa ka mid ah dhismaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, si uu awood ugu yeesho daafaca Xeebaha & Badda Soomaaliyeed iyo khayraadka ku jiraba.”

Labada dowladood ayaa 8-dii bishii February wada gaaray heshiis ku qotoma iskaashi ay markii ugu horreysay ka yeelanayaan difaaca iyo dhaqaalaha, kaas oo 21-kii bishaasi ay meelmariyeen Golaha Wasiirada iyo Xildhibanaada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligaasi ka hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in heshiiskan oo mid muhiim u ah Somalia uu socon doono muddo 10 sano ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc