Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Saraakiisha Ciidanka Cirka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Saraakiisha Ciidanka Cirka

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Magaalada Muqdisho kula kulmay Hoggaanka Hawlgalada ee Ciidanka Cirka.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha ka dhageystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, gaar ahaan weerarada xagga cirka ee ay ciidamadu ka fuliyeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia.

“Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Saraakiisha Ciidamada Cirka dadaalkooda joogtada ah, gaar ahaan xoojinta weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo argagixisada, isagoo tilmaamay in duqaymaha cirka ee lala beegsaday xarumaha Khawaarijtu ay si weyn u wiiqday awooddooda iyo abaabulka dhagaraha ay u soo maleegaan shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay “Saraakiisha Ciidamada Cirka ayaa Madaxweynaha la wadaagay xaaladda guud ee hawlgalada iyo qorsheyaasha muhiimka ah ee lagu xoojinayo Ciidamada Cirka Somaliya, waxa ayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda uga faa’iideeyaan tababarada sare ee ay soo qaateen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay sii xoojin doonto dib-u-dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Cirka, si ay u gutaan waajibaadkooda, dadka Soomaaliyeedna uga dulqaadaan argagixisada.”

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guluf weyn ku haysa maleeshiyada Shabaabka ee ka hawlgala deegaanada Hirshabelle.

Dowladda iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xoojinaya hawlgalka ballaaran ee Shabaab lagaga saarayo Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Hawlgalkan oo cir iyo dhulba leh ayaa hadda si dardar leh uga socdo Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana uu qorshuhu yahay in sidoo kalena cudud ciidan lagu wajaho dhulka ay Shabaabku ka haystaan Gobolka Hiiraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc