Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxweynaha Jabuuti kala hadlay Hawlgalka AUSSOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxweynaha Jabuuti kala hadlay Hawlgalka AUSSOM

by Laacib

Madaxweyneyaasha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta ka wada hadlay xaaladda dalka Somaliya, gaar ahaan xilliga kala guurka ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Hawlgalka ATMIS ayaa ku eg 31-ka bishan December, waxaana lagu wadaa 1-da bisha January in uu bilowdo waqtiga rasmiga ah ee Hawlgalka AUSSOM, kaas oo bedelaya ATMIS.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada Qaranka ee Magaalada Djibouti.

Labada Madaxweyne oo kulanka ay ku wehliyeen masuuliyiin ka tirsan labada dowladood ayaa sidoo kale ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee Somaliya iyo Jabuuti, xaaladda gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo walaalnimada labada shacab.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaaga Dowladnimada Somaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa lagu sheegay “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Somaliya maanta ay soo gaartay dhammaadka Hawlgalkii Nabad Ilaalinta Somaliya (ATMIS), haatana uu bilaaban doono hawlgal ku-meel-gaar ah oo muddo kooban socon doona (AUSSOM), qorshuhuna uu yahay in dhawaan ay si buuxda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.”

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulanka lagu gorfeeyay qaabka uu noqon doono hawlgalka cusub ee AUSSOM iyo sida ay dalka uga hawlgali doonaan.

Dowladda Soomaaliyeed ayaa la rumeysan yahay in illaa iyo hadda aysan go’aansan in Militariga Itoobiya ay qayb ka noqon doonaan hawlgalkan cusub iyo in kale, maadaama tirada AUSSOM ay ku dhawaad kala bar ka yar tahay tiradii ATMIS, Dowladda Masar-na ay dooneyso in ciidamadeeda ay ka mid noqdaan hawlgalkaasi.

Dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi oo horey ay ciidamo uga joogeen dalka ayay iyagu ciidamadoodu qayb ka sii ahaan doonaan hawlgalka soo socda, haddii aanu qorshuhu waxba iska bedelin.

Lama oga, sida Somaliya ay u go’aansan doonto in Itoobiya aysan ciidamadeeda ka mid noqon hawlgalka bilaabanaya, bacdamaa ay labada dowladood doonayaan inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda, ka dib heshiiskii 11-kii bishan ay ku gaareen dalka Turkiga.

Dowladda Federaalka ayaa xaq u leh inay xulato, isla-markaana ay go’aansato dalalka ay dooneyso inay ciidamada ku taageeraan hawlgalkan.

Hawlgalka AUSSOM ayaa ka koobnaan doona 12,626 askari, oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah, waxaana uu qorshuhu yahay in ay ka qayb qaataan gulufka ay dowladdu ku gaareyso dhulka gacanteeda ka maqan ee ay ka arrimiyaan maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirka Difaaca, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Safiirka Somaliya u fadhiya dalka Jabuuti, Salaad Cali Jeelle, halka Madaxweyne Geelle ay ku wehlinayeen Wasiiradiisa Gaashaandhigga, Xasan Cumar Maxamed, Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf iyo Madaxa Nabadgelyada Qaranka, Xasan Saciid Khayre.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc