Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeeray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmay Madaxda Wasaaradda iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ka dhageystay warbixino la xiriira hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.
Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxwenaha looga warbixiyay hawlgalka haatan ka socda deegaano ka tirsan Jubbaland.
“Saraakiisha ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixinihii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan xoreynta deegaano ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay, waxayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay Ciidamada Qalabka Sida in ay sii wadaan halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Villa Somalia ayaa la fahamsan yahay in toddobaadkii hore ay bilowday in ay mar kale riixdo qorshaheeda ku aaddan in ciidamadu ay qabtaan dhulka maqan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu waday in daba-yaaqadii bishii April uu dib ugu laabto Gobolada Dhexe ayaa uga baaqday, sababo ku aaddan khilaafkii siyaasadeed ee xilligaasi soo shaacbaxay ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood, inkastoo Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo kan Puntland ay horey ugu kala irdhoobeen arrimo siyaasadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 1-dii bishan beeniyay in dowladdiisu ay wax wada hadal ah kula jirto maleeshiyada Al Shabaab, ayna sii wadi doonto dagaalka ay dalka uga saareyso.
Madaxweynaha ayaa 2-dii bishan booqday furimaha dagaalka, isagoona tegay deegaan Waragaadhi ee Gobolka Shabellaha Dhexe, taas oo calaamad u ah in qaranku uu mar kale u jiheysanayo dagaalka dib-u-xoreynta dalka.
Madaxweynaha oo 6-dii bishan furay Kalfadhigga 5aad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in ay dalka ka qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah, marka uu dhameysto muddo xileedkiisa.
Dadka qaarkii ayaa shaki gelinaya in muddada ka harsan muddo xileedka Madaxweynaha lagaga adkaan karo Shabaab.
Shabaabka ayaa ah caqabadda ugu weyn ee amni ee maanta ka jirta dalka, Mareykankana waxa uuba ku tilmaamay khatarta ugu weyn ee amni ee haatan ka jirta Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan ku celceliyay in dowaddiisu ay ka adkaan doonto Shabaabka, ka dib 17 sano oo ay dalka ka dagaalamayeen.