Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan kula kulmay Saraakiisha Ciidamada ee hoggaamineysa hawlgalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo gobolkaasi.
Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa sida muuqata waxaa looga hadlay wejiga labaad ee hawlgalka ka socdo Hirshabelle.
Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu xubnahaasi ka wareystay guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira.
“Madaxweynaha ayaa ka xog wareystay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle iyo Hoggaanka Ciidamada jiidda hore, guulaha iyo caqabadaha jira, iyagoo soo bandhigay sida ay ciidamada u dhiirigelinayso in Madaxweynihii Qaranka uu kula sugan yahay furinta dagaalka, si dhowna ula socdo guulaha, baahiyaha iyo geesinimada Ciidanka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Madaxweynaha ayaa Hirshabelle u jooga dardargelinta dagaalka ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Difaaca Shacabka kula jiraan Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.