Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisii 4aad ku tegay Nairobi, muddo laba bilood

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisii 4aad ku tegay Nairobi, muddo laba bilood

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii gaaray Magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Somaliya ayaa Nairobi kaga qaybgelaya Shirka Madaxda Afrika iyo Bankiga Horumarinta Afrika oo ka furmaya magaaladaasi.

“Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonnaa ajandeyaal ay ka mid yahiin wax soosaarka iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah, dib-u-habaynta qaab dhismeedka maaliyadeed ee caalamka, isbedelka cimilada iyo wadatashiyo ku saabsan, sidii loo heli lahaa ilo dhaqaale oo waara oo horumarineed.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi, wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonnaa Madaxda Afrika iyo Masuuliyiinta Bankiga Horumarinta Afrika, si loo dardargeliyo iskaashiga u dhaxeeya Somaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.”

Madaxweynaha ayaa bishii hore ee April Magaalada Nairobi kaga qaybgalay Shirka Madaxda Afrika iyo Bankiga Adduunka, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) oo hoostagta Bankiga Adduunka.

Waa safarkii ugu dambeeyay illaa afar safar oo Madaxweynuhu uu tan iyo bishii April uu ku tegay Caasimadda Nairobi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc