Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kaga qaybgalay dalka Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kaga qaybgalay dalka Uganda

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Kampala kaga qaybgalay shir ku saabsanaa Barnaamijka Horumarinta Beeraha ee Afrika.

“Madashan oo maalmahan ay fadhiyeen Wasiirada Beeraha ee dalalka Afrika ayaa haatan madaxdu waxay ka wada hadleen fulinta qorsheyaasha iyo talooyinka la soo saaray ee ku aaddan horumarinta wax soosaarka beeraha, kor u qaadista dhaqaalaha iyo xaqiijinta amniga cunno ee Qaaradda Afrika.” Ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogga Villa Somalia.

Warka ayaa lagu sheegay “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa soo bandhigay, sida ay Somaliya uga go’an tahay in la horumariyo wax soosaarka beeraha iyo in laga faa’iideysto khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan doceedyo la qaatay dhiggooda dalalka ka soo qaybgelaya shirkan, si loo xoojiya doorka diblomaasiyadeed ee dalkeennu uu ka qaadanayo qaaradda.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa shirka ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay Wasiirka Beeraha & Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc