Magaalada Muqdisho ayaa xudun u ah goobo lagu abaabulayo ciidamo xoog leh, oo ay tahay inay ka qayb qaataan hawlgalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada Hirsabelle, gaar ahaan Gobolka Shabellaha Dhexe.
Dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn ayaa maalmihii u dambeeyay ka jiray Xeryaha Ciidamada Dowladda ee Muqdisho, ka dib markii maleeshiyadu ay Arbacadii la wareegtay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolkaasi.
Al Shabaab ayaa dagaal ku qabsatay deegaankaasi oo hoostaga Degmada Cadale, isla-markaana ay ku sugnaayeen Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Hirshabelle iyo Macawiisleyda.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la fahamsan yahay in uu ka carooday weerarkaasi, oo ugu dambeeyay weeraro soo socday, tan iyo 20-kii bishii February oo Al Shabaab ay ku qabsatay deegaano dhaca bariga gobolkaasi oo horey looga saaray.
Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ku foogan abaabulka ciidamo dheeraad ah, si loo soo afjaro joogitaanka Al Shabaab ee gobolkaasi, loona sii wado gulufka dagaal ee qorshuhu yahay in si buuxda looga ciribtiro deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.
Warbaahinta ayaa fahamsan in guux xoog leh uu ka jiro gudaha Hay’adaha Dowladda Federaalka, masuuliyiintuna ay ku mashquulsan yihiin in la helo wixii ciidan ah ee ku sugan magaalooyinka iyo deegaanada xasilloon, isla-markaana laga maarmi karo joogitaankooda halkaasi, si loo geeyo jiidaha hore ee Gobolka Shabellaha Dhexe ee Hirshabelle.
Weerarada Shabaabka, keliya ma sii hurin xiisaddii ka jirtay gobolkaasi, waxayse sidoo kale ay gilgileen siyaasaddii xasilloonidii ee Dowladda Federaalka.
Dhanka kale furimaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa gaaraya xoogag siyaabooyin kala duwan loogu abaabulay deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug, iyagoo qayb ka noqonaya dagaalka Al Shabaab lagaga saarayo gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay u badan yihiin kuwo ay abaabuleen beelaha Gobolada Dhexe, kuwaa oo ka jawaabaya codsi dhawaan uga yimid Madaxweynaha Dowladda Federaalka.
Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in ciidamadii loogu talagalay inay xoreeyaan Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ay hadda qaybtood ku biirayaan hawlgalka Gobolka Shabellaha Dhexe.
Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo masuuliyiinta kale ee ku sugan saddexda gobol ayaa isha ku haya, waxa ka socdo gobolkaasi, inkastoo hawlgalada laga sameynayo goboladaasi aysan u wada hakan doonin midka Gobolka Shabellaha Dhexe.
Shabaabka ayaa gobolkan ku haya culeys gaar ah, marka aad fiiriso deegaanada kale ee Hirshabelle iyo Galmudug. Villa Somalia ayuuna ahmiyad weyn u leeyahay hawlgalka Shabaab lagaga sifeynayo gobolkaasi, bacdamaa loo arko inuu go’aamin doono in Shabaabka laga adkaan karo iyo in kale.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa ku hanjabay inay wiiqi doonaan, dalkana ay ka saari doonaan Al Shabaab.
Madaxweynaha oo habeenkii Sabtida jeediyay khudbad uu kula hadlayay shacabka ayaa sheegay in uu dhammaaday waqtigii laga cabsan jiray Al Shabaab.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan la socodsiinayaa in la soo dhaafay xilligii laga cabsan jiray koox yar oo Khawaarij ah oo aan dalka iyo diinta, midna u naxeynin. Waad ku mahadsan tihiin taageerada iyo garab istaaga aad u muujiseen ciidamadeenna.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa raaciyay “Waa inaan u wada istaagnaa ciribtirka Khawaarijta u bareertay dhiigga shacabkeenna Soomaaliyeed. Maanta Soomaaliyeey yaynaan u kala harin.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay inaysan jiri karin cid gabaad siin karta Shabaabka, cid taas laga yeelayana aysan jiri doonin.
“Ma jirto cid gabaad u noqon karta Khawaarijta. Dhammaan ballamihii aan galnay iyo xeerarkii aan dhiganay waxay caddeynayaan inaysan jirin cid laga yeelaayo in ay Khawaarijta ku taageerto, si toos ah iyo si dadbanba.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa riixaya hawlgal uu ujeedkiisu yahay in kabahooda lala gashto maleeshiyada Al Shabaab.
Cid walba waxay si dhow ula socotaa xaaladda isku miriqsan ee ka jirta Gobolka Shabellaha Dhexe iyo waxa ay Dowladda Federaalka ka bedeli doonto.